Jamaal Haddii Xisbiga Laga Qaado Oo Ay Run Noqoto Waxaan Qirayaa Inaan Laga Ka Faa’idi Doonin

0
314

Jamaal Haddii Xisbiga Laga Qaado Oo Ay Run Noqoto Waxaan Qirayaa Inaan Laga Ka Faa’idi Doonin

yaab iyo amakaag weeyi fajacis aan la maqal weeyi,wax gilgilay quluubta dadka weeyi,ilaa hadda waanu yaabahay ma runbaa ma beenbaa ma dhabaa ma xaqiiqbaa!!ma jamaalkii aan ogayn ayaa laga qaaday xisbigii uu lasoo maray wixii aan ogayn!! tallow wanaaga abaal marinteedu mayna wanaag ahayn? haa way tahay lakiinse hadii la garan waayana sow kama sii xuma?
jamaal(36)

sida aan ognahay aqoonyahan jamaal cali xuseen waa ninkii u banbaxay xisbigii cadaalada iyo daryeelka,waana kii uga yimid meeshii aan ogayn, isla markaana u guntaday badbaadintiisa, kadib markuu saaxad ka baxay xisbigii weynaa ee uu aasaasay aabihii somaliland ee marxuun cigaal,dabadeedna jeebka uu ku ritay ninka loogu yeedho waran cadde oo hankiisa wasiirnimo dhaafsiisanayn.

waxaan kaloo ognahay in mudane faysal laba jeer isasoo taagay,lakiinse ku guulaysan waayay,waliba si cad,ee taariikhdu mayna ahayn mid la qorayo?

maanta waa nasiib daro inuu xisbigii sida uu ku socdo uu noqdo bakhaar maalin nin soo galootiya laga kirayno,walaahi waxaan hubaa in jamaalkaa yar ee daacada laga faa’idi doonin sidii xisbigii udub uu burburi doono ama sidii caadadiisa ahayd aanuu kusoo bixi doonin hadiiba laga qaado. waana wax cad sidaasay u dhici doontaa hadduu eebe idmo,waayo jamaal waa daacad daacada ilaahayba la jirra ee taeriikhd faysloow meel xun haga galin,xisbigii udub waakii burburay markii la khiyaamay khiyaamadu qiil ma leedahayeey? salaam
hamse riraash