Janadii ha waayina” Maanso aan ku xusayo Xuska maalinta shuhadada SNM 17 October oo uu Curiyey

0
547

“Janadii ha waayina” Maanso aan ku xusayo Xuska maalinta shuhadada SNM 17 October oo uu Curiyey

Abwaan Jaamac Faarax Yuusuf (Jaamac Xaad)

Hargeysa(Warsugannews)Halkan waxaan ku soo bandhigayaa maanso la yidhaahdo janadii ha waayina maansadan waxaan curiyey 17/10/2010 waxayna ka hadlaysaa halgankii loo soo maray xoriyada iyo nabada aynu haysano ee aynu ku naaloonayno ogowna akhriste umad kastaa waxay leedahay taariikh taasoo ku suntan dhacdooyinka maalmaha noloshooda samaan iyo xumaan macaan iyo qadhaadh kuu doonoba ha ahaadee,

intii dhimatay faataxada u soo mara in alle naxariistiisii jano ka waraabiyo inana aduunyada ha inoo nimceeyo aakhirana janadiisii ha inoogu deeqo jidka toosanna alle ha inagu hanuuniyo,maansadiina waa tane akhris wanaagsan;

1. xalay baan hurdada cali

2. ma hadree riyada kulan

3. ku arkoo halyeygii

4. lixle lay hor keenoo

5. hoogaansiga salaantii

6. markaan midigta hoo idhi

7. ka dhunkaday hareeraha

8. haye yidhi warka isii

9. waxaan idhi halkee u daran

10. wuxuu yidhi horaysada

11. dadka oo haraadoo

12. hamuun gaajo weyn qaba

13. oo hagardaamo faqashiyo

14. halis cadaw ku sugan baa

15. ii timi hedayduyo

16. sababtaanu hoydee

17. nafta aan u huaray waa

18. dadka himiladiisee

19. halgankii ma midho dhalay

20. inkastoo hanfiga kulul

21. iyo hirig la mariyoo

22. inta haabo loo qoday

23. hurin hirinna loo gubay

24. inkastoo hawada sare

25. heehaabe miig ahi

26. kaga horay rasaasoo

27. dhulka hawsar laba dhacay

28. lagu hagey madaafiic

29. oo kaaraa hadaafaa

30. hagagaar ku dilay badi

31. inkastoo haweenkiyo

32. raga hebeladiisii

33. uu haldoorku maqan yahay

34. inkastoo ay habaqlaha

35. hooyiyo dhasheedii

36. ay kala hadfeenoo

37. ilaa weli la hayn qaar

38. halganki ma midho dhalay

39. haday tahay su’aashaa

40. waxaan idhi lixloow haa

41. kama hadhin jawaabtee

42. hadaan hoos udaadego

43. markay faqash huleeshee

44. laga hiray dalkeenii

45. hoje talo dadweynuu

46. hareer laysu taagyoo

47. dalku haybad calanliyo

48. ciidan heegan iyo lacag

49. dawlad loo hanweynyaa

50. hanaqaaday maantoo

51. hor allee barwaaqiyo

52. nabad baa la haystaa

53. wuxuu yidhi halkaw daran

54. horta yaan ilaawine

55. halyey yusuf garbiye iyo

56. harag waafi koodbuur

57. hanaqaadkii koosaar

58. ma gubtiyo haday tahay

59. ma huraanki cali iyo

60. dayib guray ma haysaan

61. haka yaabin baan idhi

62. intuu hadalkii joojoo

63. hoos u yara xanshaashaqay

64. buu haddana mar kale yidhi

65. ina kaahin ma hamrade

66. dhegaweyne ma hadhsade

67. muuse heegan ii sheeg

68. illaahay ha daayee

69. waxan idhi hormada nool

70. dagaalkii hubaysnaa

71. halkuu manta joogiyo

72. soo gaadhshe heeroo

73. hedu maysan qabanine

74. waa haysanaa weli

75. wuxuu yidhi haddaa xaad

76. gaariye halkuu degay

77. waxaan idhi hargeysaa

78. dhalinyaro hir doogliyo

79. hoobaan la mooduu

80. heer sare iyo jaamacad

81. ku hagaa tacliintoo

82. hadda uu u yahay bare

83. wuxuu yidhi hadraawina

84. waxaan idhi halkiisii

85. bulsho horumarkeeduu

86. hal abuurka maansiyo

87. ku faraa higaadoo

88. heelo ugu sheegaa

89. iyo hadalo dhaxal gala

90. colna hooy kamuu deyn

91. wuxuu yidhi hadaa xaad

92. hooyaday xog iga sii

93. waxaan idhi hoy raaxiyo

94. hadhac bay ku nooshoo

95. dadkay hooyadood tahay

96. haybayaashii beerkiyo

97. hilbkaaga laga jarayna

98. way hareera joogaan

99. wuxuu yidhi hurdiyo dheel

100. kuma dhalato hawl yaroo

101. ruuxna guusha hoo iyo

102. kuma helo fudaydoo

103. hibo looma siiyee

104. lug halbawle go’an iyo

105. boqon heelan laba qaar

106. hanaq saafan beer iyo

107. wadne haadi sidataa

108. libta lagu hantaaye

109. gobanimo ha waartee

110. waa geed hadh weynoo

111. dhiig halyeey ku beermee

112. mar haddaa haleesheen

113. wuxuu yidhi hadday tee

114. hal su’aala oo kale

115. wuxuu yidhi habdhaqankii

116. hidihiyo asluubtii

117. hablihiyo barbaartii

118. dadku weli ma haystaan

119. hadda iyo dhaliilaa

120. anoon hoos u daadegin

121. waxaan idhi iyana haa

122. wuxuu yidhi hiyiga qaran

123. hamigiinu waa maxay

124. waxaan idhi hiyigu guul

125. khayr buu hilaadshoo

126. dhaqaaloo hormara iyo

127. heer saroo la gaadhiyo

128. ictiraaf la helabaa

129. hamigiisu yahay shacab

130. wuxuu yidhi hasheenii

131. madihooshii gabaniyo

132. maatada haweenkiyo

133. ma huraanka gacalkiyo

134. dadku haakah odhan jiray

135. yaa hadhuubka culayga leh

136. haaneedka kala gala

137. horaadada magowga leh

138. yaa ka hoorsha caanaa

139. waxaan idhi hab xulasha

140. hanaan doorashiyo food

141. nidaam lagu heshiiyoo

142. hadba door ninkii helaa

143. guusha loo haneeyaa

144. isagaa horjooguu

145. foofiya horweyntana

146. wuxuu yidhi hugiyo ciil

147. weligaa ha mudanineyey

148. hordhaciyo tusaalaa

149. hawraar af garasho ah

150. hidiyoo is fahannee

151. hadda miiladiisii

152. yey haatan socotaa

153. aan hadalka saafee

154. dalka yaa hogaanshe ah

155. waxaan idhi halyeey qaran

156. halgamaagii weynaa

157. siilaanyaa hor muudoo

158. isagaa hogaanshe ah

159. wuxuu yidhi hufnaaniyo

160. hal adayg dulqaad iyo

161. hibo maamul garashiyo

162. waa hubsiina badanyoo

163. hagarlaawe daacada

164. waan hubaa inuu yee

165. hanbalyaan u dirayaa

166. horta igu salaam kow

167. marka xiga hal aan idhi

168. hadal waano oon faro

169. ha ilaawin gaadhsii

170. aniguna hayaan idhi

171. dugsi aan la hurin iyo

172. waxa tahay hadh damaloo

173. horseedkii la doortee

174. dadka aabahood iyo

175. hooyo uga dhignaayoow

176. booraamo hadimiyo

177. hoga eex ka dhawrsoo

178. hor allee sinaan iyo

179. u hag meesha kharka leh

180. xilkaad manta haysana

181. elle kuguma hawlee

182. dariiqii haboonaa

183. ha ka leexan weligaa

184. iska hubi amaanada

185. hiifka iyo haaraan

186. hebelbaa sidaa yidhi

187. hibashadu ma fiicnee

188. shacabkana hal baan idhi

189. waxa kaa hawira talo

190. muran lagu habsaamiyo

191. ma dhalayska hadalkee

192. ka hadhoo dad weynoow

193. hidisaha wax soo saar

194. hawlaha u midooboo

195. raaca hilinka nololeed

196. hawdiyo hundiyo xeeb

197. hareeraha galbeed bari

198. dadka heelka wada yaal

199. ma hanbaynin waanee

200. adna hoobal gaadhsii

201. hadduu soo bandhigay taa

202. aniguna hayaan idhi

203. dooda oo halaasiya

204. afartii habeenimo

205. hadday tahay abbaartii

206. hadal kooban igu yidhi

207. waa tan hiirtii gaadhee

208. hoygi wacnaaiyo

209. hogaygii nimcadu tiil

210. ayaan haatan aadiye

211. adiguna ha seexane

212. eedaanka hore toos

213. weysada haleeloo

214. ha moogaan cibaadada

215. inta kulahal maashiyo

216. adigiyo halyeeydii

217. noo huray naftoodaba

218. abaal baan u haynaa

219. alla bari had iyo goor

220. duco soo hibaynee

221. hoobaan firdawsiyo

222. janadii ha waayina

223. anna hadal ku gooyoo

224. waxaan idhi hayee nabad

Warsugannews
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here