Jawaabti Geesinimada Iyo Khibrada Lahayd EE Cirro By Mukhtar Cilmi

0
346

Jawaabti Geesinimada Iyo Khibrada Lahayd EE Cirro By Mukhtar Cilmi

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato

Shalay waxa kala cadaaday ninka shuruucda dalka yaqaan iyo nin iska helay kursi oo aanan garanayn dalka shuruucdiisa !!, jawaabti gudoomiye C/raxmaan Cirro ku aadanayd haamaha shidaalka wuxuu cadeyay inu aha mid sharciga waafagsan kuna baray silaanyo hab u dhaqanka dublomaasiyadda !!. Waxaad moodaa in dhoow dhoowdu wali caduur u dhicin, SILAANYO iyo maamulkiisu qayladhaanta dadka daneeya dalka iyo dadka waxa ay ka dhigteen cadoow kowaad, oo wax aan ahayn nacayb iyo xumaan iyaga loola jeedo, aan nasteexo umadda ah wadin. Jawaabtoodiina waxa ay dhaafiwaydey hebel waa mucaarid, hebel waa reerkaas!.khilaafkan taagan ee asaastay madaxtooyado waa mid ceel ku ridi doona silaanyo waayo maanta silaanyo wax uma yaalan somaliland nacayb mooyaane oo ka sii darayso maalin walba.

Xukuumadda SILAANYO iyo Kuwa Xishoodka iyo Xayahaba ka tagay ee golihiisa wasiirada kujira goorma ayaad ka ilbaxaysaan? Goorma ayaad wadankan godka lagu riday ee maalinba maalinta ka danbaysa hoos uun u sii aasmaya aad u naxaysaan oo xal ubadka ubadkiisu u aayo aad u raadinaysaan?!!. Goormaad ka ilbaxaysaan Gudi Uu Madaxweynuhu aoo magacaabay oon waligood wixii loo sameeyey iyo qorshihii loogu talagalay fulin!!??.shuruucda barta inta dabada u soo baxdan oo ka barta madaxweynaha shacabweynuhu dooran doonan ee Gud.CIRRO, inta idin hadhayna jamaacada golaha baarlamaanka ka wada soo xaadara si shurucuuda dalka uga barataan !!.

By Mukhtar Cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.co

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here