Jawaari oo beeniyay in uu khadka talleefoonka uga qeyb-galay kulan ay yeesheen hogaamiyayaasha madasha.

0
348

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa beeniyay in uu khadka talleefoonka uga qeyb-galay kulan ay yeesheen hogaamiyayaasha madasha oo looga hadlayay xiisada siyaasadeed ee Galmudug.

Warka ku saabsan in uu guddoomiye Jawaari beeniyay ka qeyb-galka kulanka madasha ee khadka talleefoonka ayaa la soo dhigay bogga Twitter –ka ee guddoomiyaha uu ku leeyahay barta Internteka, isaga oo sheegay in xiligan sharciyan jirin wax loogu yeero madal wadatashi.