Joel Matip oo ku guulaystay laacibka bisha ee Liverpool

0
407

Daafaca reer Cameroon ee kooxda Liverpool ayaa ku guulaystay laacibka bisha ee kooxdiisa kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu soo bandhigay bishii November.

25 jirkaan ayaa ciyaaray 3-dii kulan ee Liverpool ay ciyaartay bishii November, wuxuuna kooxdiisa ka caawiyay inaan wax gool ah laga dhalin laba kulan oo kamid ah.

Liverpool ayaa 6-1 ku garaacday Watford, halka ay barbaro 0-0 ah lagashay kooxda Southampton, sidoo kale Liverpool ayaa 2-0 ku garaacday dhigeeda Sunderland.Joel Matip ayaa ka maqnaa kooxdiisa kulankii guul daradu ay ka soo gaartay kooxda Bournemouth axadii, taas ayaana keentay la dareemo faa’iidada Liverpool ay ku qabtay laacibkii hore ee Schalke04.