Jose Mourinho oo doonaya Dimitri Payet sidoo kalena ku amray kuwa wax u sahmiya inay….

0
410

waaxa qorey yaasir br

Manchester United ayaa qorsheyneysa inay lacago qaali ah ugu soo dhaqaaqdo xiddiga qadka dhexe ee West Ham Dimitri Payet sida ay warineyso Sunday People.

Jose Mourinho ayaa aad u doonaya inuu xiddig hal abuur leh ku soo kordhiyo kooxdiisa, wuxuuna u arkaa wiilka reer France midka ugu haboon inuu shaxdiisa ku soo kordhiyo.

Laakiin naadiga ka dhisan London ee West Ham ayaysan u badnayn inay ogolaan doonto in xiddigeeda uu si sahlan kaga tago, waxayna ka cago jiideysaa inay iska iibiso bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Mourinho ayaa sidoo kale ku amray kuwa wax u sahmiya kooxda inay il dhow ku hayaan xiddiga Atletico Madird ee Ferreira Carrasco iyadoo uu ka fikirayo inuu u dhaqaaqo xagaaga.