Jose Mourinho oo ku calaacalay in dhibco iyo ammaan ay toona heli la’dahay kooxdiisa Man United

0
325

Jose Mourinho ayaa sheeganaya in kooxdiisu ay heli la’dahay dhibco iyo ammaanta ay u qalanto maadaama ay kubbad wacan dheeleyso kaddib bar-barihii 1-1 ay xalay la galeen kooxda Everton.

Jose ayaa daqiiqadihii dambe ee dheesha garoonka soo galiyay Marouane Fellaini isagoo doonayay inuu saddex dhibcood oo muhiim ah ku soo qaato Goodison Park balse nasiib darro laacibka uu maciin bidayay ayaa ku keenay rigooradii lagu bar-bareeyay.

“Marka ay kooxdeydu ciyaareyso kubbad waaqici ah ayna ku guuleysaneyso kulamada iyo koobabka, waxaad leedihiin sax ma ahan mana wanaagsana,”. Jose ayaa sidaa yiri.

“Iminka marka ay kooxdeydu u ciyaareyso si aad iyo aad u fiican waxaad leedihiin wax micno ah malahan muhimaddu waa natiijo.

“Kani wuxuu ahaa kulan kale oo  bandhig aad u fiican aan ku ciyaareynaya meel ay aad u adag tahay in lagu ciyaaro iyo waliba koox heysata ciyaartooy fiican.

“Si fiican ayaan ugu ciyaareynaa garoonkeena innagoo aad uga gacan sarreyna kooxda aan la ciyaareyno. Waxaan ciyaareynaa kulan bannaanka oo aad u fiican oo waliba leh bandhig cajiib ah laakiin ma helayno natiijada aan u qalanno.”.