Jose Mourinho Oo Wax Ka Bedel Ku Sameeyey Shaxda Rasmiga A h Ee Kooxda Chelsea Ciyaaryahano Waaweyna Kursiga Keyda fadhsiyey

0
552

Jose Mourinho Oo Wax Ka Bedel Ku Sameeyey Shaxda Rasmiga A h Ee Kooxda Chelsea Ciyaaryahano Waaweyna Kursiga Keyda fadhsiyey

Hargeisa (warsugannews) macalinka kooxda Chelsea ee Jose Mourinho aya xilli ciyaareedkan u noqday mid aan ugu bilaabmin hanaan ciyaareed wanaagsan , isaga oo guud ahan inta badan ciyaarihii u ciyaaray natiijo fiican ka gaadhnin ,Jose Mourinho aya markan u diyaargaroobaaya kulanka ugu horeeya ee horyaalka Champion League isaga oo niyada ku hayaa guul darrooyinkii soo gaadhay kulanadii ugu horeeyey horyaalka Ingiriiska . Jose Mourinho ayaa qaaday talaabo uu kaga hortagaayo inuu guul darro ka soo hooyo kulanka uu la ciyaari doono kooxda Maccabi Tel Aviv isaga wax ka badelay shaxda rasmiga ee u hore ugu ciyaari jiray Jose Mourinho. sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa kursiga keydka galin doona Diego Costa, Cesc Fabregas iyo Bransilav Ivanovic kulanka ay kooxdiisa wajahi doonto Maccabi Tel Aviv kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska ayaa bilow xun ku bilowday xagaagan horyaalka Ingiriiska iyadoo haatan fadhisa booska 17-aad horyaalka sidoo kalana waxey keensatay kaliya 4-dhibcood, 5-kulan oo ay ciyaartay iyadoo ay jirto eedeyn loo soo jeediyay qaar ka mid ah xidigaha kooxda kuwaas oo lagu sheegay iney masuul ka yahiin qaab ciyaareedkaan xun ee kooxda.
The Times ayaa qortay in Mourinho uu markaan kusoo bilaabi doono Loic Remy oo badal u noqon doona Diego Costa, Oscar oo badal u noqon doona Fabregas iyo Baba Rahman oo badal u noqon doona Ivanovic.

Sidoo kale wargeyska wuxu intaas ku daray in milkiilaha kooxda Roman Abramovic uu garab taagan yahay wali macalinka reer Portugal iyadoo la ogyahay inuu xili xun kooxda galiyay.
Ugu dambeyntiina bilowgaan xun ee Blues horyaalka Ingiriiska waxaa udambeysay sanadii 1988.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here