Juventus oo qaabkii Andrea Pirlo ku doonaysa Daniele De Rossi! (Muxuu rabaa isagu?)

0
399

– Juventus ayaa sida lasoo werinayo u geed fariisatay laacibka waaya aragga ah ee khadka dhexe ee Daniele De Rossi kaasoo si bilaash ah ugu biiri kara, balse wuxuu joogayaa Roma ama wuxuu ku biirayaa MLS iyadoo uu qandaraaskiisu dhacayo fasalkan.

Sida uu qorayo La Gazzetta dello Sport, Juve ayaa ergo u diray De Rossi si ay u ogaadaan haddii uu xiisaynayo imaanshiyaha Torino, iyagoo doonaya sheeko u eg middii ay ku heleen Andrea Pirlo, kaasoo waloow ay Milan bilaash kusii daysey qayb libaax ka qaatay soo noolaanshihii Juve.

Waxaa la sheegayaa in laacibiinta De Rossi kula jira qaranka Talyaaniga ee reer Juventus, sida Gigi Buffon, Leonardo Bonucci, Andrea Barzagli, Giorgio Chiellini iyo Claudio Marchisio ay laacibka qal qaaliyeen, waxaase la sheegay inuu diidey isagoo Roma kala xaajoonaysa heshiis cusub xitaa haddii ay taasi ka dhigan tahay in kala bar laga dhigo mushaarkiisa oo ah €6.5m oo euro.

Haddiise uu De Rossi ka tago Stadio Olimpico, wuxuu qaban doonaa America, halkaasoo ay dhowr naadi oo reer MLS ihi diyaar ula yihiin qandaraasyo qaali ah.