KABUL: Masjiid shiicadu adeegsato oo weerar ismiidaamin ah lagu qaaday iyo 30 ruux oo ku dhimatay

0
338

waaxa qorey yaasir br

Booliska caasimadda alka Afghanistan ee Kabul ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof ay ku dhinteen weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday masjid ku yaal magaalada Kabul kaas oo ay adeegsadaan dadka shiicada ah.

Waxaa lagu soo waramayaa in qof ismiidaamiye ahi gudaha u galay masjidka Shiicadu ay leedahay oo ku yaalla koonfur-galbeed ee caasimadda dalkaasi.

Sida la sheegaayo masjidka ayaa waxa iskugu yimid dad dhagaysanayey wacdi gaar ah oo halkaa ka socday.
Waxaa laga cabsi qabaa in ay sare u kacdo tirada dhimashadu.

Af-hayeenka Taliban ayaa sheegay in aysan ku lug lahayn weerarkaasi, kooxda sheegata dowladda Islaamka ayaa sheegatay weeraro noocan ah oo laga geeystay dalkaasi.

Madaxa Fulinta dowladda Afghanistan Abdullah Abdullah ayaa fariin uu ku qoray bogiisa Twitter-ka ugu baaqay dadka in aysan u hogaansamin waxa uu ku tilmaamay cadowga doonaya in uu shicibka kala qaybiyo.

Tirada Shiicada dalkaasi ayaa ka ah boqolkiiba 15 tirada dadka ku nool halkaasi waxayna wajahayaan weeraro ay ku soo qaadaan kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalanta dalkaasi.

‘Weerarkani waxa lagu bartilmaamedsaday shicib masaakiin ah oo ay ku jiraan ilmo ku sugnaa goob barakeysan”.

Waxaanu intaa raaciyay “in weerarnkani yahay dagaal iyo ficil ka hor imaanaayo diinta Islaamka iyo bini aadanimada”, waxaa sidaasi yiri Abdullahi Abdullahi oo ka tirsan madaxa howlgalada Afghanistan.