Kala Duwanaanshaha Shaqo Iyo Shakhsiyadeed Ee Maxamuud Xaashi Iyo Xirsi Cali!

0
808

Kala Duwanaanshaha Shaqo Iyo Shakhsiyadeed Ee Maxamuud Xaashi Iyo Xirsi Cali!

Kala duwanaanshuhu maaha mid ku yimaada doorasho iyo rabis, mana aha mid ka dhasha iska yeelyeelid, mana aha mid qofku siduu doono u dhigi karo. Waxaynu se ognahay in uu kala duwanaashu yahay mid ka yimaada xagga rabbi taas oo ah inuu qofba u abuuray si gooniya oo uu kaga duwan yahay dhigiisi kale.
Dabcan akhriste markaynu ka hadlayno kala duwanaansho wuxuu galayaa dhinacyo badan oo hab nololeedka iyo masuuliyadaba leh balse si aanu qoraalku inooga baahin waxaynu qormadeenan ku soo qaadan doonaa uun laba qodob oo aynu soo koobno si aynu fahanka guud uun uga qaadano.

Qodobka koobaad: waxaynu ognahay in shakhsiyadu tahay halbeega iyo miisaanka qofka lagu cabiro, sidaas oo ay tahay marka aynu diinteena suuban iyo dhaqankeeba u nimaadno waxa ugu mihiimsan ee qofka shakhsiyadiisa laga eegaa waa sadex uun (A) Cibaadada, (B) Balanka iyo (C) Amaanada.
Markad eegto sadexdaasiba waa tiir dhexaadka nolosha adduun iyo aakhiraba isla markaana waaba jiritaanka shakhsiyada muslimka ah.
Haddaba akhriste markaad ku bardaamiso qodobadaas Xirsi iyo Maxamuud xaashi waxay kala noqonayaan kaaf iyo kala dheeri aan isugu iman Karin. Inta badan marka aad milicsato ama aad u kuur gasho waxa kuu soo baxay inuu Xirsi yahay qof ku wanaagsan sadexdaas qodoba halka dhigiisa Maxamuud lagu ogyahay balan la’aan , cibaado yari iyo amaano fudaydsi intaas oo ay waliba u dheer tahay amaan jacayl iyo qabyaalad xoogan oo ka muuqatay wasaaradu maamulayay.

Qodobka labaad: Maxamuud Xaashi wuxuu hogaan ka ahaa muddo dheer wasaarada Duulista, wuxuu la wareegaya wasaaradaas oo uu ku soo fool leeyahay mashruuc ay dawlada kuweyd ku samaynayso dib u habayn iyo casriyayn, isla markiiba waxa mashruucii laga bilaabay labada madaar ee hargeysa iyo berbera , muddo markii hawshii socatay ee madaaradii dib loo furay waxa meesha ka soo baxay oo bulshadu aragtay in aad u kala duwan yihiin waxa la qabtay iyo wixii dawlada Kuweyd inoogu deeqday taasi oo laga qiyaas qaadanayay xadiga lacageed ee uu wasiirku sheegay inay gashay iyo sida loo dhisay madaarada jaarka ee ay ka midka yihiin ka jigjiga iyo ka muqdisho. Intaasi markii uu Maxamuud Xaashi ka soo gudbay wuxuu u tafa xaytay sidii uu dhaqaale u samayn lahaa waxaanu sameeyay in madaarka loo sameeyo dakhli ka madax banaan dakhliga guud ee dawlada taas oo uu ka ansixistay baarlamaanka oo iyagu dambiga badhkooda leh, dakhligaas uu sameeyayna qofkiiba waxa laga qaadaa lacag dhan $13 doolar. Hadda garo oo wax qabadka ugu culus ee uu sameeyay waa inuu hello dakhli iyo inuu ku shaqeeyo uun deeqdii dawlada Kuweyd inoogu deeqday oo ay bulshadu saluug ka muujisay inaan sideedii loo fulin! Waxa kale oo iyaduna jirta gacansiyo wasaarada ka dhex jira oo ay ugu waaweyn yihiin shirkada baarkinada madaarka ka shaqaysa, karasharka madaarka ku dhex yaala iyo shirkada duulimaadyada Dubai oo masraxyada siyaasada ugu jira wasiir Maxamuud inuu qaybo ku leeyahay isagoo awoodiisa xileed adeegsanaya.

Xirsi Cali Xaaji Xasan marka aynu ka soo bilawno intii wasaarada madaxtooyada toos loogu macaabay wuxuu sameeyay dadaalo kala duwan waxaanu ka dhigay wasaaradaas mid cid waliba hadal hayso amaba masuul kastaa jeclaan lahaa in loo magacaabo sababta oo ah hore umay ahayn wasaarad lagu xisaabtamo amaba lagu baraarugsan yahay inay wax qaban karto.
Iyadoo xaalka wasaaradaasi uu ka soo qaaday Xirsi meel hoosaysa ayaa la hoos keenay haayada horumarinta waddooyinka oo dalkuna baahi weyn u qabay wax ka qabashadooda maadaama uu madaxweyne Siilaanyo Xiliyadii olola ku celcelin jiray wax ka qabashada waddooyinka , inkasta oo dadku ku kala aragti duwanaa in haayadaas wasaarada madaxtooyada la hoos keeno haddana inta badani waxay u aragtay in madaxweynuhu u hoos keenay karti uu ku tuhmayay Xirsi iyo inuu la socon karo halka ay wadooyinku marayaanba maadaama ay wasaaradda madaxtooyadu cid walba uga dhawdahay wada shaqayn ahaan madaxweynaha.
Xirsi isaga oo ka duulaya hawshaa baaxada leh ee la hoos keenay wuxuu sameeyay inuu cashuur u yagleelo si hawshu u socoto waxanu sameeyay in haayadii wadooyinka qaranka qalabyo kala duwan loo soo iibiyo , waxaynu dhaayaha saarnay in dhiiranaantiisii iyo hawl karnimadiisii uu sameeyay waddooyin door ah muddo yar gudahood sida dhameys tirka jidkii boorama, jidka wajaale oo markii u horaysay taariikhda laga dhigay waddo laami ah, jidka berbera iyo hargeisa u dhaxeeya oo la casriyeeyay, waxa intaas oo dhan ka sii mihiimsan waddadii ceerigaabo oo labadii madaxweyne ee hore Cigaal Iyo Riyaale ay dhagax dhigeen inuu noqday Xirsi masuulka kaliya ee dhaqaajiyay maanta aan daah saarnayn halka ay marayso iyo sida masuuliyada leh ee u maamulay. Intaasi waa dhaqdhaqaaqyadii uu sameeyay balse wuxuu Xirsi ahaa masuul ugu jiray dawlada halka reerka miyiga uu ugu jiro gurgurshaaga u dhaansha ee dhalandhoolka jilaal reerku kaga baxo.

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi
Email: Liibaanhanad79@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here