Kas-Darran! Qeybtii 3-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad

0
443

Cismaan,waxa ciilaya Wakhtigga,waxaana soo waajahay duruufo aannu hore ugu tallo-galin.Waxa si lama-filaan ah u geeriyooday Abbihii oo ka mid ahaa laf-dhabarta Nolashiisa iyo ku-salaynta dhammaan go’aamadda iyo qorshayaashiisa nololeed. Waxa isku-dhex-yaacay hammi iyo higsi waxii uu lahaa,shay kastaana waxa uu noqday uun hadal aan ficil-waddan. Hadda ma samayn karo hal-taalabbo oo ku aaddan waxa maankiisa ka guuxaya iyo dareenka jacayl ee uu hayo Cannab. Waxa uu noqday Nin buka,boqoli u talisay. Dhinac waxa uu kala xarbiyayaa tacsi-da aabbihii iyo samir-siinta ehelkiisa,dhinac kalena waxa culays laxaad leh kaga haya Falaadhaha kaga soo burqayana dhinaca cannab iyo ka-fikirista qorshe guulaysta oo Inantaas lagu hanan-karo.Cismaan reer isaga ayaa u xoog ah,kaliya waxa ka weyn Inan (Gabadh) hadda reer leh oo la-qabo,isla-markaasna deggan Magaallo kale. Dhamaan xubnaha qoyska;kii waxbarasho u baahnaa,kii caafimaad u-baahnaa,kii Hu’ u baahnaa isagga ayay dul-saaran-tahay,waxaana aad u adag inuu isku waddo Masuuliyadda reerka uu u-qaaday iyo ka-midho-dhalinta jacaylka uu u qabo Cannab.

Ninkii Cismaan ee ahaa bulshaawigga,hadda waxa uu ku dhaw-yahay inuu is-dhaafo oo uu Maskaxiyan wax-noqdo,waxaana la deris noqday wer-wer laxaadkiisa leh,waxa uurku-taallo weyn ku reebtay Geeridda naxdinta lahayd ee ku timid aabbihii.Waxa gabi-ahaanba is-bedelay muuqaalkii Cisman.Hore waxa uu ahaa Nin aad u xarrago badan,kaas oo ay asxaabtiisu aad uga heli-jireen qaab-labiskiisa iyo kaftan-wadaagiisa,haddase ilaa la-yidhaahdo dharka iska-bedel isma xasuusto,ilaa wax-la-weydiiyo ma hadlo,ilaa wax-loo-diro waxba ma doonno.Inta badan wakhtigiisa waa uu hurdaa,inta kalena waxa uu kaligii fadhiyaa meel-gaar ah.

Guud ahaanba waxa hoos-u-dhacay Nolashii Qoyska,waxaanay Hooyaddii la-kifaaxaysaa Nolol-maalmeedka Qoyska iyo Korinta Caruurta,iyadda oo dhinaca kalena si weyn uga murugaysan is-bedelka ku yimid Wiilkeeda Cismaan oo ahaa xoog ay ku xisaab-tamayaan,maadama aad looggu soo tabcay wakhtiyo adagna lagala soo dabaashay.

Abbihii waxa uu wax-hanti ah reerka uga taggay marka Gurrigga ay degan-yihiin laga reebo meherad Tukaan ah oo ku taalla Suuqa,kaas oo isaggu gacanta ku hayn-jiray,balse hadda meheraddiina wey sii shiikhaysaa,ka dib markii dhawr jeer shaqaalaha laga bedelay,taas oo keentay inay hanti badan oo meheraddu lahayd ay lunto,waxaana hadda gacanta ku haysa Hooyaddii oo wakhti kooban haysa,iyadda oo inta kalena kaga timaada Inan (Gabadh) yar oo cauurteeda ka mid ah,si ay qedada ugu kariso caruurta Iskuulka kasoo rawaxaysa,isla-markaasna ay gallinka danbena ugu dirto Malcaamaddii iyo Private-kii ay qur’aanka,luuqaddaha iyo Xisaabaadka ka baranayeen.

Cismaan,waxa xog-waraysi ugu tagay shaqsiyaad ehel iyo asxaaba iskugu jira,kuwaas oo rabbay inay u kuur-galaan xaaladda dhabta ah ee uu ku suggan-yahay Cismaan,isla-markaasna ay u-ogaan-lahaayeen waxa saldhigga u ah isbedelkan ku yimid Wiilka,balse nasiib-darro kumay guulaysan inay ka ogaadaan macluumaad-raadraac leh oo lagu hawl-galo.Habeenkii inta badan Cismaan waxa uu noqday Qof isla-hadla oo xoog mararka qaarkood u qayliya,waxaana inta badan uu kusoo cel-celiyaa ‘ Walaalo Cannabeey,sidaas hayga yeelin,Naftaydda iyo mustaqbalkaygu-ba maanta gacantaada ayay ku jiraan,haddii aad iga dheggo-adaygto ogaw,waxa khatar galaysa nolashayda,waxaanan door-bidayaa in aanan dunidda kusii dul-noolaanin”.

Lasoco……..Qeybaha Danbe oo Xiiso gaar ah leh!
W/Q: Mohamed Hassan Daacad
Email:Daacad461@gmail.com –