Kas-Darran! Qeybtii 4-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad‏

0
386

-Cismaan,waxa xog-waraysi ugu tagay shaqsiyaad ehel iyo asxaaba iskugu jira,kuwaas oo rabbay inay u kuur-galaan xaaladda dhabta ah ee uu ku suggan-yahay Cismaan,isla-markaasna ay u-ogaan-lahaayeen waxa saldhigga u ah isbedelkan ku yimid Wiilka,balse nasiib-darro kumay guulaysan inay ka ogaadaan macluumaad-raadraac leh oo lagu hawl-galo.Habeenkii inta badan Cismaan waxa uu noqday Qof isla-hadla oo xoog mararka qaarkood u qayliya,waxaana inta badan uu kusoo cel-celiyaa ‘ Walaalo Cannabeey,sidaas hayga yeelin,Naftaydda iyo mustaqbalkaygu-ba maanta gacantaada ayay ku jiraan,haddii aad iga dheggo-adaygto ogaw,waxa khatar galaysa nolashayda,waxaanan door-bidayaa in aanan dunidda kusii dul-noolaanin”.

Arrintii Cismaan,maalinba maalinta ka danbeysa wey sii balaadhanaysaa,Xaalka qoyska iyo nolashooduba hoos-bay-usoo-dhacaysaa,dirtaba waxa dibadda usoo baxday saamaynta taban ee ay ku keentay geeridda aabbohood,waxaana iska-soo-dabadhacaya imtixaanadda midddiba ta kale kasii culus-tahay ee soo food-saaraya Qoyska,taas niyad-jab baahsan iyo dhibaatoba ba’anba soo gaadhsiisay Cismaan Hooyaddii oo hadda ah xoogga kaliya ee reerka u dhaq-dhaqaaysa,isla-markaasna ku dedalaaysa inay Nolashooda soo saarto,si ay ugu yaraan uka kaaftoomaan inay Jaararka wax-weydiisaan oo la dareemo heerka baahidooda.

Cismaan markii xaalkiisii sii xumaaday ee uu kasoo rayn waayay waxa loo cararay Cisbitaalka,waxaana laysku dayay in la ogaado sababta keentay xanuunka,balse wax natiijo ah oo sidaas u buuran kamay soo bixin,waxaana Dhakhtarku kula taliyay inuu iska yareeyo Fikirka badan,isla-markaasna uu inta badan is-ticmaalo Cuntooyinka nafaqadda leh ee koriinka jidhka ka qeyb-qaata,balse nasiib-darro taasi uma muuqato inay ugu yaraan wax-ka-bedelayso dhibka darran ee la deriska ah Cismaan,waxaana hortiisa imanaysa Muuqaalka Cannab,waxaanu ku-sasayaa araggeeda,isaga oo ku tiraabay “ALLAH! Waa tan Cannab”,waxaana markaas laga jarayaa karka iyo xanuunka la deriska ah,inyar ka dibna waxa ka tagaya Mutuutulkii iyo muuqaalkii malo-awaalka ahaa ee hor-yimid,taasina waxay keenaysaa inuu dib-ugu-noqdo xanuunkii,isaga markaas ogaanaya inay tahay riyo ee aanay run ahayn,waxaana uu tammo-niyayaa hadii ay mar uun suura-gal-tahay inay Qolka uu Cisbitaalka kaga jiro ugu timaado,inay taasi keeni lahayd in isaga oo caafimaad-qaba oo faraxsan uu ka bixi lahaa Iridda Cisbitaalka,balse taasi waxay u-muuqataa waxaan dhacayn mustaqabalka dhaw,waayo Cannab,isagga oo caafimaad-qaba oo muuqaal qurxoon leh oo ka mid ah foolaadka dhalinta Xaafadda,ahna shaqsi karti,dedaal,shaqo-yaqaannimmo,geesi-nimmo,magac iyo maamuusba leh,ayay u-diir-nixi weyday,isla-markaasna ay si cad uga diiday dalabkiisii uu mudada dheer kasoo baaraan-tagayay ee ahaa dareenka jacayl ee uu iyadda u qabo ee annu la’aanta Nolol farxad,rajo iyo mustabal ifiya leh ku noolayn.Maanta Cismaan,waxa is-bedelay muuqaalkiisii,waxa uu noqday qof aan ciddii ay dhawr bilood ka hor is-arkeen aanay maanta haba-yaraate garayn.Isaga laf-ahaantiisa waxa bur-buray guud ahaanba mustaqbalkiisa,waxa uu ku riyoon jiray markii uu Ardayga ahaa ee Aabbihiina noolaa,isaga oo Wax-barashadda heer sare ka gaadhay,isaga aabbihii Nasiyay,isla-markaasna helay shaqo mushahar badan leh,isaga oo wata baabuurta ugu qaalisan Magaaladda,isaga oo leh mid ka mid ah Super-market-yadda ugu caansan Magaaladda,kaas oo meelo kala duwan looga yimaaddo,isaga oo balaadhiyay gurriga ay hadda ku jiraan oo Labbo qol iyo Jiin-gad yar ah,isaga oo Aabbihii iyo Hooyaddii Xajka geeyay,isaga oo Maalmaha Jimcayaasha iyo Ciiddaha ay isaga iyo Xaaskiisu caruurta ay dhaleen u keenaan Awow-good iyo ayay-dood,si wey farxadda ula qeyb-saddaan,isaga Gurriggiisa Casuumaddo kala duwan Jimcayaasha ugu sameeya asxaab hore oo ay isku Xaafad iyo isku galas ahaayeen xiliyaddii kala danbeeyay ee uu kusoo jiray hayaan nololeed iyo ka-waxbarasho iyo qaar kale oo badan. Balse maanta cidna xaalkiisa looma waramayo,dhamaan Ri’yooyinkaasina waxay u-muuqdaan qaar aan helin fursaddii lagu xaqiijin lahaa.

Lasoco……..Qeybaha Danbe oo Xiiso gaar ah leh!
W/Q: Mohamed Hassan Daacad
Email:Daacad461@gmail.com –