“Kelyaha Ayaa I Xanuunaaya Waddo Xumo Darteed …” Guddomiyaha Xisbiga Ucid Oo Eedeymo U Jeediyey Maayirka Caasimada Hargaysa.

0
325

Kelyaha Ayaa I Xanuunaaya Waddo Xumo Darteed …” Guddomiyaha Xisbiga Ucid Oo Eedeymo U Jeediyey Maayirka Caasimada Hargaysa. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ahna musharraxa
madaxweynaha ee xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si ba’an u weeraray nidaamka shaqo ee goleyaasha deegaanka ee dalka, gaar ahaana kuwa caasimadda Hargeysa oo uu ku eedeeyey in ay xilkasnimadii laga filayay markii la doortay lagu hungoobay isla markaana ay ku sifoobeen boob iyo dhac.

 
Guddoomiyaha UCID waxaa uu sheegay in Faysal Ahaan markii la furayay xeerka doorashada ee dhalinyarada lagaga qeyb galinayay talada dalka uu isagu ka soo horjeeday, hase yeeshee laga batay oo aqlabiyadu ogolaatay, xilligaas oo wixii uu ka digayay aanay muuqan balse hadda ay shacbigu qoomamo ka muujinayaan doorashadoodii.

Feysal Cali Waraabe waxaa uu soo jeediyey in laga dhiidhiyo oo aan laga aamusin jallaafooyin iyo dhaqaalle burburin uu ku eedeeyey xildhibaannadii golaha deegaanka, kuwaas oo uu sheegay in dhaqaallaha cashuurta ee loo gacan geliyey aan bulshada waxba lagaga soo celin

“Waa inaynu ka dhiidhinaa dawladaheennii hoose ee baaba’ay, idinku waxaad ka baqaysaan shan iyo labaatan inan oo yaryar [xildhibaannada golaha deegaanka Hargeysa] ayaa meesha jooga oo haddii lacagta maanta soo gashaa ay Maxamed Xaashi Cilmi soo geli lahayd wallaahi wuxuu innoogu dhisi lahaa Biriishyo, wuxuu innoogu dhisi lahaa waddooyinka wareegsan, maantana kelyahaa na xanuunaya [waddo xumo darteed] oo baabuurka waxaad is odhanaysaa ma iska dhigtaa. Arrintaa waa inaynu ka tashanaa”.