Kenya oo shaacisay tirada Askartii sanad ka hor looga dilay Ceel Cadde {Waa Imisa}?

0
346
Kenyan Flag HD Background - Flag of Kenya 3D Illustration

Labo iyo Toban bilood kaddib Weerarkii Ceel Cadde ee lagu laayay Ciidamada Kenya waxaa guddaha Dalka kenya ka dhacay Baroordiiq dii u horeysay ee lagu xasuusanayay Askartaasi.
Ku dhawaad 400 oo Qoys oo iskugu jira Caruur haween ayaa ka so qeyb galay Baroor diiqdaasi kuwaas oo ka tiiraan yeesnaa Askartii faraha badneyd ee shabaab ku laayeen Deegaankaasi.
Qaarkamid Askartii kabadbaday Weerakii Ceel Cadde kadhacay 15 January 2016 oo Qudbado Halkaasi ka jeediyay ayaa waxaaa ay Si yaabo kala duwan uga hadleen Askartii halkaas ku dhimatay tiradooda.
Askari misagu Maalinkaas ka badbaaday Ceel Cadde ayaa waxaa uu sheegay in 173 Askari oo Kenayaan ah shabaab halmeel ay ku dileen iyagoona horey u ka xeystay 13 kale.
Dowladda Kenya ayaa waxaa lagu eedeeyaa in aysan ixtiraam Siinin Ciidamadda Military-ga Gaar aahaan kuwii ku dhintay Weerarkii Ceel Cadde, Wadamadda Reer Galbeedkuna waxaa ay sheegeen in loobaahanyahy in Lagu dhawaaqo Maalin Boroordiiq Qaran ah.