Kevin De Bruyne oo Diyaarad Gaar ah Ugu Soo Duulaya Ingiriiska Isagoo Macasalaameeyey Taageerayaashisii hore Dhamaystiraya Ku Biiristiisa Naadiga Manchester City+SAWIRO

0
499

Kevin De Bruyne oo Diyaarad Gaar ah Ugu Soo Duulaya Ingiriiska Isagoo Macasalaameeyey Taageerayaashisii hore Dhamaystiraya Ku Biiristiisa Naadiga Manchester City+SAWIRO.

Ciyaaryahanka qadka dhexe iyo baalahaba ee wadanka Belgium Kevin De Bruyne ayaa kusoo duulay diyaarad gaar ah isagoo kusoo jeedo dalka Ingiriiska si uu u dhamaystiro hishiiska uu ugu biirayo kooxda Manchester City.

Manchester City iyo kooxda Wolfsburg oo ka kala dhisan dalalka Ingiriiska iyo Germany ayaa ku hishiyay qiimo lacageed oo gaadhaya 52 milyan oo gini oo ay bixinayso Man city islamarkaasna xidiga naadiga Wolfsburg Kevin De Bruyne uu ku biiro kooxda reer Ingiriis.
De-Bruyne-was-accompanied-by-his-girlfriend-Michele-Lacroix-for-the-short-flight-to-England

Kevin-De-Bruyne-boards-private-jet-to-England

The-24-year-old-had-time-to-sign-a-Wolfsburg-supporters-shirt-before-boarding-a-private-jet

The-Belgium-international-also-posed-for-a-picture-with-the-Wolfsburg-supporter-early-Saturday-morning

The-Wolfsburg-star-boarded-the-flight-to-England-ahead-of-finalising-a-£52million-move-to-City
Kevin De Bruyne oo 24 sanno jir ah ayaa lagu arkay isagoo ku sugan garoonka Braunschweig wuxuuna raacayay diyaarad gaar ah galinkii hore sabtida maanta waxaana safarka ama socdaalka duulimaad ku weheliyay gabadha saaxibtiisa ah oo lagu magacaabo Michele Lacroix.

Hishiiska ciyaaryahankii hore qadka dhexe kooxda Chelsea Kevin De Bruyne ayaa hishiiska uu ugu soo biirayo naadiga Manchester city lagu wadaa in lasoo gabo gabeeyo caawa ama subaxa hore barito sida uu sheegay Mr Allofs oo ah wakiilka ciyaaryahan Kevin De Bruyne.

warsugannews-Sports
warsuganmedia@gmail.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here