telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

KHILAAFKII XISBIGA UCID OO XAL KUMEEL GAADH AH LAGA GAADHAY FAYSAL CALI WAARBE OO LAGU QASBAY IN UU AQBALO WIXII HORE LOOGU HESHIIYAY

Hargeisa (WARSUGANNEWS.COM)_Khilaafkii Xisbiga Ucid oo Xal Kumeel Gaadh ah Laga Gaadhay Faysal Cali Waarbe oo Lagu Qasbay in uu Aqbalo Wixii Hore Loogu Heshiiyay  Somalilandlive.com/ Warar Hordhac  ah oo Soogaadhaya Warqabadka Somalilandlive.com  ayaa  Xaqiijyay  in  Xal Kumeel Gaadha ah laga Gaadhay Khilaafkii Xisbiga Ucid  Kadhex Qarxay iyada oo Xalinta Khilaafka  ay   Galeen Odayo Dhaqameedyo   kasoo kala Jeeda Labada Beelood  ee  Jamaal Cali Xuseen  iyo Gudoomiye Faysal Cali  Waraabe  kuwaas oo Shirar  iyo  Doodo Garnaqsi  oo   aan Waxba layskula Hadhin   Maalmahanba Kulahaa Magaalada Hargeisa.

Sida  Xogta  ay kuheshay Somalilandlive.com  Odayo  Dhaqameedka  Kasocday  Dhanka Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa Garnaqsi  Udhigtay      Waxgaradka  Beesha Gudoome Faysal Cali Waraabe  inkasta  oo Sida Lasheegay  uu Faysal aad  Udiidanaan in Arina Khilaafka Xisbiga Ucid  Lagu Xaliyo Qaab  Beelaysan  Hadana  Waxa uu  Meelna Kadhaafi Kariwaayay    Axdigii Hore Loogu Dhisay Xisbiga Ucid kaas  oo  ay Odayo Dhamameedka Labada Beelood  Goobjoog Ka ahaayeen.

Qodabada Lagu Heshiiyay Ayaa Waxa Kamid  ah Sida Lasheegay  in uu Jamaal Ahaado Musharax Xisbiga Ucid Balse Laqabto Shirwayne Gole Dhexe, Lana Qaado Afti  ah  In Musharaxa Xisbiga Cod Lagaliyo iyo Inkale.

Waxa Faysal Cali Waraabe Lagu Qasbay in  uu Arimaha Xisbiga  ee  Dhanka Hogaaminta  uu  Faraha uga Qaado Musharax   Jamaal Cali Xuseen Sidoo kale Waxa  Jira Qodobo  Dhawr  ah Lago heshiiyay Kuwaas  oo  Qorshu ahaa   in Maanta  oo Khamiis ahayd  Lasoo Bandhigo Balse    ay Dhanka Faysal Cali Waraabe  Wax Dib uga Dhaceen.   Waxana Lafilayaa in sikumeel Gaadh ah Loogu Dhawaaqo Maalinta Sabtida In Laxaliyay  Wajigii Koowaad   ee Khilaafka  Xisbiga Ucid  iyada   Wajiga Labaad  ee Lagu Soo Afjarayo Khilaafkana  Lagu Qabto   Mudo  Bil Gudaheeda ah.

Lama  Oga  in Heshiiskani  Dawo U Noqon Doono Khilaafka Xisbiga Ucid Curyaamiyay,  ee Sanada Badan Soojiray Kaas  oo Dhawr  jeer oo hore Sidan  oo kale ay U Dhexgaleen Odayo Dhaqameeyo balse  aanay U helin  Xal Waara.

513 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins