”Koox i rabtaa ma jirto” – Antonio Cassano (Muxuu ku tala jiraa?)

0
509

Antonio Cassano ayaa sheegay in “tiiyoo ay faloobyo badani jiraan, inuu weli doonayo inuu sii joogo Serie A, balse haddii aanay jirin cid doonaysa oo Talyaaniga ah inuu hoowlgabi doono bisha Juun.”

Laacibkan 34-jirka ah ayaan haatan haysanin wax koox ah tan iyo markii ay Sampdoria baabi’isay qandaraaskiisa, balse wuxuu haatan sheegay inuu ciyaaraha iskaga fariisan doono haddii uu Italia ka waayo cid doonaysa.

“Haddii aan koox ka waayo Serie A guriga ayaan iska joogi doonaa anigoo maareeye u noqon doona xaaskayga oo ah midda haatan quudka noosoo shaqaysa,” ayuu yiri FantAntonio oo u warramayay Striscia La Notizia.

Xaaska Cassano ee Carolina Marcialis ayaa ah laaciban dheesha ciyaarta kubad-biyoodka water polo, taasoo waloow ay fasax ka qaadatay si ay u barbaariso labadooda carruurta ah ay haatan dib ugu soo laabatay.

“Haddii aanayn cidina i doonaynin maxaan sameeyn karaa? Ma aadi doono China, Giriigga ama Argentina, ilaa haatan wax dalab ah ma hayo” ayuu raaciyay.