Kooxaha Everton iyo Man United oo dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Goodison Park…

0
323

Kooxaha Everton iyo Manchester United ayaa dhibcaha ku qaybsaday garoonka Goodison Park, kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo ay ku kala tageen barbaro 1-1.

Man United ayaa la timid goolka hore dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta waxaana kubbad caaqibo lahayd goolhayaha Everton oo dibadda u soo baxay ka dulqaaday 42’daqiiqo Zlatan Ibrahimovic, kaddib kubbad uu soo qaaday Anthony Martial, sidaas ayaana lagu kala nastay 1-0 ay ciyaarta ku hoggaaminaysay Man United.

Qeybtii labaad ee kulankan markii dib la isugu soo laabtay Man United ayaa ku dhowaatay inay gool kale la timaado, waxaana kubbad uu xerada ganaaxa dhexdeeda xabad ku saartay 60’daqiiqo Ander Herrera oo uu laaday waxa ay ku dhacday birta.

Everton ayaa la timid goolka barbaraha waxaana uu ahaa gool ku laad loo dhigay kaddib markii Marouane Fellaini oo bedel ku soo galay ciyaartay uu xerada ganaaxa dhexdeeda ku jilaafay Idrissa Gana Gueye, waxaana rigoorada Man United rigooradaas ka dhaliyey 89’daqiiqo dhammaadkii ciyaarta Leighton Baines, kulanka ayaana sidaas ugu soo dhammaaday barbaro 1-1.

Man United ayaa sidaas ku fadhisa kaalinta lixaad ee kala sarreynta Premier League iyadoo leh 21-dhibcood, halka Everton ay ku jirto kaalinta siddeedaas iyadoo leh 20-dhibcood min 14 kulan oo ay ciyaareen.