Kooxda Arsenal oo war farxad geliyey ka heshay Arjen Robben Oo Aan Ka Hor Iman Doonin Kulanka Champions-kaee caawa

0
416

Kooxda Arsenal oo war farxad geliyey ka heshay Arjen Robben Oo Aan Ka Hor Iman Doonin Kulanka Champions-kaee caawa

Kooxda Arsenal ayaa maqlaysa war fiican kaas oo ah kulanka ay la ciyaarayaan kooxda Bayern Munich Salaasada, waana xiddiga Arjen Robben inaanu ciyaari doonin kulanka u dhaxeeya labadan kooxood ee tartanka Champions League.

Arjen Robben ayaa dib ugu soo laabtay dhawaan tababarka kooxdiisa waxaana la filayay inuu ciyaari doono maadaama bishii hore uu ku soo dhaawacmay xulka dalkiisa. Tababare Pep Guardiola ayaan doonaynin inuu khatar geliyo xiddigiisa kulankan. Kooxda Munich ayaa xaqiijisay inaanu weli Robben ahayn taam xilli ay u amba-baxayaan caasimadda London.

Laakiin Kingsley Coman oo kulankii ugu dambeeyay uu dhaawac ka soo gaadhay ayaa ciyaari kara kulankan. Kooxda Arsenal ayaa u socota inay garaacdo Bayern Munich ka dib markii ay guul-darro ka soo gaadhay labadii kulan ee hore ee ay ciyaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here