Kooxda Barcelona Oo Doonaysa Inay Amaah Kula Wareegto January Ander Herrera

0
383

Kooxda Barcelona Oo Doonaysa Inay Amaah Kula Wareegto January Ander Herrera

Hargeysa(Warsugannews)Wargeysyada ka soo baxa Catalonia ayaa waxa ay shalay wax ka qoreen hadalhaynta ugu baddan ee ay isla dhex qaadayaan taageerayaasha kooxda Barcelona .
Taagaareeyaasha kooxda Barcelona ayaa iyagu waxa ay aaminsan yihiin in xagaaga soo aadan kooxdu ay samayn karin saxeexyo waa weyn sababo la xidhiidha dhaqaalaha kooxda oo u saamixi karin inay samayso arrintaasi. Kooxda Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan waxa ay dhibaatada xoogan ka haysataa khadka dhexe iyo sidoo kale difaaca dambe.

Wargeyska lagu magacaabo Sports ee ka soo baxa Catalonia ayaa isagu waxa uu wax ka qoray in kooxda Barcelona ay ku fikirayso inay si amaah ah kula soo saxeexato laacibka khadka dhexe ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Mancehester United Ander Herrera iyada oo doonaysa inay si toos ah ula wareegto bisha January ee soo socota.
Ander Herrera ayaa ku guul-darreystay inuu qeyb ka noqdo shaxda koowaad ee tababare Louis van Gaal xilli ciyaareedkan, waana arrinta ka dhigaysa in Barcelona ay durbadiiba ku fikirto inay la soo wareegto xiddigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here