Kooxda Barcelona Oo Si Rasmi Ah Ugu Magacaawday Xidigeedii Hore Ee Ronaldinho Ambassador-ka Cusub Ee U Qaabilsan Dalka USA

0
373

Waxaa Qoray: yaasir BR

Maamulka Sare Kooxda Barcelona uu Hor Kacayo Madaxweynaha kooxda Josep Maria Bartomeu, ayaa waxay si rasmi ah ugu  magacaabeen Ronaldinho Ambassador-ka u fadhiya xafiiskooda cusub ay bishii lasoo dhaafay ka furteen Magaalada New York ee dalka Mareykanka.Mucjsadii hore kubada cagta ee xulka Brazil iyo kooxda Barcelona Ronaldinho ayaa wuxuu ka tagay garoonka Camp Nou oo ay ku ciyaarto  kooxda Barcelona kadib markii uu kulan la qaatay madaxweynha kooxda Ree Catalonia Josep Maria Bartomeu, waxayna ka wada hadleen Arimo farabadan maadaama xidigan ay kooxda reer Spain ay  ka dhigtay Ambassador-ka u qaabilsan Dalka USA.

Ronaldinho ayaa soo gaaray Barcelona xili uu ka soo laabtay caasimada dalka talyaaniga ee Roma, kadib markii uu kasoo qeyb galay kulan loogu magac daray Nabada oo ay ka qeyb galeen xidigo farabadan, kaasoo u jeedkiisu ahaa In dhaqaale loogu Aruuriyo Dadka Dhibaateysan.

Xidigii hore kooxda Barcelona Ahna Ambassador-ka kooxda ee dalka USA ayaa wuxuu u sheegay Wargeyska “El Mundo Deportivo” “Waxaan Waligey Ahaa Ambassador-ka kooxdan Barcelona”.

Arintan ayaa waxay imaaneysaa in kooxda Barcelon ay Ambassador kaga dhigato Ronaldinho dalka USA, kadib Qorsho cusub oo ay Barcelona ku dooneyso in Aduun Weynaha ay ka furato goobo ganacsi oo saameen xoogan ku yeesha aduunka, si ay u hor mariso xiriiradeeda caalamiga ah.

Waxaa xusid mudan in Ronaldinho uu qeyb weyn ka qaatay furitaanka xafiiska ay kooxda Barcelona ku leedahay magaalada New York ee dalka Mareykanka bishii lasoo dhaafay.