Kooxda Kubbadda Cagta Ee Wargeyska Warsugan Oo Gobolka Togdheer Ku Tagtay Safar ayaa 6:0 Ugu Quus Gooyey Kooxda Shiffo Burco + Sawiro

0
745

Kooxda Kubbadda Cagta Ee Wargeyska Warsugan Oo Gobolka Togdheer Ku Tagtay Safar ayaa 6:0 Ugu Quus Gooyey Kooxda Shiffo Burco

Warsugan(Sports) Kooxda Wargeyska Warsugan oo safar ciyaareed u tagtay Gobolka Togdheer ayaa la ciyaartay kooxda Shiffo Burco oo marti-gelisay kooxda wargeyska Warsugan intii ay ku sugnaayeen gobolkaasi waxa ay ciyaar la yeesheen kooxdii ku ciyaaraysay Shiffo Burco halkaas oo ay ciyaar xiiso badan oo raaligelisay daawadayaasha ay soo bandhigeen labada dhinac balse ay ciyaar ciyaar dhaaftay la yimaadeen xidigihii ku ciyaarayey Warsugan oo uu hormood ka ahaa Ciyaaryahanka caanka ku ah Number 11 ee Xulka Qaranka Somaliland iyo Kooxda Dawlada Hoose ee Hargeysa hore ugu ciyaari jiray Gobolka Maroodi-jeex ee Lagu Magacaabi Maxamuud Cabdi Xasan (Koonfindhe) oo isagu gadhwadeen u ahaa xidigihii ay ka midka ahaayeen Cabdiqaadir Saleebaan Maxamuud (Galad), Maxamed Cabdilaahi Siciid (Juuqa), Ayaanle Axmed Isqaniin, Xuseen Saleebaan (Bigifo), Siciid Suudi iyo Xamse Suudi, ciyaar yahanadaas oo dhamaantood ah kuwo caan ka ah guud ahaan gobolada dalka iyo gudaha Caasimada hargeysa ayaa guul taariikhi ah kala soo caraabay gobolkii togdheer oo isagu caan ku ahaa ciyaaraha kubada cagta balse marka loo eego ciyaarta ay soo bandhigeen xigigaha warsugan ee kor ku xusani waxay gayeysiisay inay la caraabaan guul ku soo dhamaatay 6:0 halka kooxdii shiffo marka la isku celceliyo goolashii halkaasi aanay la iman wax dhibo ah, sidaana ay kooxda warsugan noqoto kooxdii guusha ula soo carawday Gobolka maroodi-jeex oo Xarunta koowaad ee wargeyska warsugan ay ku taalo.

1

2

3

4

5

6

7