Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland oo Dhambaal Hambalyo ah U diray Haween weynaha Somaliland iyo Kuwa Dunidaba

0
374

Hambalyada Ku Simaha Madaxweynaha Ee 08-March-2017

Hargeysa(WSN)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland wuxuu dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa Haweenka Somaliland meel kastoo ay joogaan guddo iyo dibedba, iyo guud ahaanba Haween-weynaha Adduunku u dabaal-deggayaan Maalinta 8da March, oo ah maalin Caalamiya loona aqoonsaday inay gaar u noqoto Haween weynaha adduunka.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu munaasibadda 8da March awgeed, Haweenka Somaliland u rajeeyey inay xuskan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo nabadgelyo.

Dhambaalkiisan hambalyada ah, Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku sifeeyey haweenka laf-dhabar iyo Xoog mug iyo miisaan ku leh nolosha bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.