Kudhawaad 100 Tahriibayaal Ah Oo La La’yahay Kadib Doonni Ku Degtay Badda U Dhaxaysa Libiya Iyo Talyaniga.

0
370

Ilaalada Talyaaniga ayaa badhitaan ugu jira helitaanka Doonni ku degtay inta u dhaxaysa Talyaaniga iyo Libiya.
Ciidamada ilaalada badda ayaa sheegay inay heleen sideed qof oo mayd ah , afar kalena ay bad baadiyeen.
Laakin waxa ay sheegeen tobanaan kale wali in la la’ yahay , iyada oo ay adagtay baadhitaanku maadaama ay ahayd xilli madaw.
Doonnida ayaa dagtay qiyaastii markay kasoo baxday Libiya 50 KM.
Illaa hadda lama garanaya dhalashada rasmiga ah ee tahriibayaasha saarnaa Doonida.
Tirada Tahriibayaasha ku galaysa lugta Qaaradda Yurub ayaa hoos u dhacay illaa markii uu dhacay qul qulkii waynaa ee Tahriibayasha , balse waxa wali jira Tahriibayasha ku safraya Badda , oo

khatar bandanna ku haysa tahriibayaasha.

Jimcihii dhawayd Ciidamada Talyaaniga ee badda ayaa soo bad baadiyay 550 Muhaajiriin ah oo u safrayay Yurub.