Kulan Lagaga Arrinsanayey Qorshaha Guud Iyo Mashaariicda Dalka Loogu Tallo Galay Oo Ay Iusgu Yimaadeen Wasaaraddaha Iyo Hay’addaha Dawladda Somaliland Oo Maanta Ka Qabsoomay Madaxtooyada + Sawiro

0
425

Kulan Lagaga Arrinsanayey Qorshaha Guud Iyo Mashaariicda Dalka Loogu Tallo Galay Oo Ay Iusgu Yimaadeen Wasaaraddaha Iyo Hay’addaha Dawladda Somaliland Oo Maanta Ka Qabsoomay Madaxtooyada

Hargeysa(WSN)kulan oo ujeedadiisu ahayd sidii qorshe looga yeelan lahaa looguna daba-geli lahaa mashaariicaha dalka loogu tallo galay ee inaga soo gaadha aduunka oo ay isugu yimaadeen maanta oo axad ah taariikhduna ay tahay 04.06.2017 wasaaraddaha ku shaqada leh arrimahaas iyo hay’addaha dawladda ayaa ka qabsoomay qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo uu shir gudoominayey madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),ayaa saacado qaatay, waxaana lagu gorfeeyey layskuna raacay in meel looga soo wadajeedo daba-galka qorshaha guud ee mashaariicaha dalka loogu talo-galay in laga fuliyo, iyadoo lagu salaynayo qorshaha ka soo kabashada abaaraha dalka ku habsaday, laguna jihaynayo sidii la is waafajin lahaa labada ujeeddo.

Waxaanu shirkaasi ku soo dhamaaday oo lays kula qaatay in ay lagama maar maan tahay in la xoojiyo isku xidhnaanta hay’adaha dawladda iyo wasaaradaha ay shaqo wadaagtu ka dhaxayso, iyo in la xoojiyo laguna dabagalo mashaariicdaa cida gacanta ku haysa ee loo soo gudbiyey, si looga midho dhaliyo maxsuuladii shanta qodob daaranaa ee hagaha u ahaa guddida ka soo kabashada abaaraha dalka ragaadiyey.