Kulan Lagaga Hadlaayey Xoojinta Amniga Caasimada iyo Wada-shaqaynta Dawlada Hoose iyo Laamaha Amaanka ee Qaranka Oo Ka Qab-soomay Hoolka Shirarka Ee Dawlada Hoose

0
641

Kulan Lagaga Hadlaayey Xoojinta Amniga Caasimada iyo Wada-shaqaynta Dawlada Hoose iyo Laamaha Amaanka ee Qaranka Oo  Ka Qab-soomay Hoolka Shirarka Ee Dawlada Hoose

 Hargeysa(Warsugan)-Kulan Lagaga hadlaayey xoojinta Amniga Caasimada iyo Wada-shaqaynta Dawlada Hoose iyo Laamaha Amaanka ee Qaranka ayaa  ka qab-soomay Hoolka Shirarka ee Dawlada Hoose ee Hargeysa

<iframe width=”640″ height=”360″ src=”https://www.youtube.com/embed/rcqJIZHaN28?rel=0″ frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>
Kulankan ayaa waxa ka soo qeyb galey wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha jsl, Mudane Max,ed Muuse Diiriye, Duqa Caasimada Hargeisa Mudane C/raxmaan Max,ud Ceydiid Solltelco iyo Kuxigeenkiisa Mudane C/Casiis Max,ed Xaashi Cagoweyne, Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye guuto C/laahi Fadal Iiman, Taliyaha Laanta Socdaalka Qaranka Sarreeyo Guuto Max,ed Cismaan Caalin, Xilldhibaanada Dhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, saraakiil kala kala socdey ciidanka booliska, laanta socdaalka, gudoomiyayaasha dagmooyinka Caasimada Hargeisa Gudiyada nabad galyada ee dagmooyinka iyo xaafadaha Caasimada Hargeisa. hadaba shirkan ama kulankan oo noqon doona mid bishiiba mar qabsooma sida uu ku dhawaajiyay wasiiru dowlaha asaarada arimaha gudaha JSL ayaa waxa ka hadley Duqa Caasimada Hargeisa oo 8 xafiis ku wareejiyay laanta socdaalka qaranka JSL, kuxigeenka duqa Caasimada Hargeisa ayaa aad iyo aad uuga mahad naqey wada shaqeynta ay ciidanka booliska somaliland lagarab taagan yihiin dowlada hoose ee hargeisa maantana ay kusoo biirtey wada shaqeynta laanta socdaalka oo xafiisyo ku yeelan doonta dagmooyinka caasimada hargeisa dhamaantood,

Taliyaha laanta socdaalka ayaa aad iyo aad uuga mahad naqey xafiisyada laga siiyay dagmooyinka caasimada Hargeysa isaga oo sheegey in shaqadii xuduudaha cirka,bada iyo bariga ay ka hayeen ay kudari doonaan in ay bulshada soo dhex galaan isla markaana ogaadaan cida dalka soo gashey shaqada ay qabaneyso in ay tahey tii loo ogolaadey iyo in ay shaqo kale ku dareen oo sharci daro ah isla markaana lasii ogaan doono cida dagan guryaha, hudheelada iyo gaadiidka safarada goobaha laga raacayaba,

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sareeyo Guuto C/laahi Fadal Iiman ayaa isaguna sheegey in boolisku saaxiib dhow uu la yahey bulshada dalka oo dhan lana shaqeeyo dowladaha hoose hadii ay tahey cashuurada, xoojinta amniga iyo fidinta qorshayaasha saldhigyada booliska gaar ahaan Caasimada hargeisa oo uu sheegey in uu dhawaan dugsiga tababarka kasoo saarey ciidan cusub oo tiradoodu tahey 500 askari oo dhalinyaro u badan sidoo kalana waxa uu codsadey in bulshadu kala shaqeyso in ay soo sheegaan goobaha mukhaadaraadka lagu iibiyo waxana uu ka digey taliyaha Ciidanka boolisku wadayaasha gaadiidka yaryar ee Vits ama Tukhaanka loo yaqaano oo uu sheegey in ay dhaqano cusub ay bulshada kusoo kordhiyeen dhaqanadaasi oo ah iibinta mukhaadaraadka iyo masuuliyad daro xaga wadista ah waxana uu dowlada hoose u soo jeediyay in ay nidaam uu sameyso dhaqankooda si ay u ilaaliyaan qaranimada iyo nabad galyadaba.

Sidoo kale taliyaha Ciidanka booliska ayaa waxa uu la dardaarmey labada taliye qeybdood ee booliska gobolka maroodi jeex oo uu u sheegey in ay la shaqeeyaan bulshada maadaama oo ay xukumaan saldhigyada Caasimada Hargeysa bulshadana u dhago nuglaadaan oo ay si dhow ula shaqeeyaan isaga oo fariina uu direy dhamaan taliyayaasha booliska JSL oo dhan in ay bulshada la shaqeeyaan ugu danbeyn taliyaha Ciidanka booliska ayaa bulshada ka waaniyay in ay ilaahey ka baqaan oo qofka xumaanta wada lagu garab istaagin qabyaalad iyo qof jecleysi mar uu arintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ilaahey baan idinku dhaaryee qofka amniga iyo qaranimada waxyeelaya qabyaalad yaan lagu taageerin, qofka mukhaadaraadka iibinaya bulshadu yay qarin oo booliska usoo sheega hadaad booliska u sheegi weydaan aniga iisoo sheega oo igu soo wargaliya waa balan in aan ilaaliyo nabad galyada qofka muwaadinka ah ee ciidanka war soo wargaliya.

Gudoomiyayaasha Dagmooyinka iyo Gudiyada nabad galyada ayaa codsadey in wax laga qabto gaadiidka gobolada iyo dagmooyinka iskaga kala goosha si loo ogaado waxa ay qaadayaan dad iyo duunyaba isla markaana loo baahan yahay in lala socdo dhaqdhaqaaqooda iyo cida rakaabineysaba.

Ugu danbeyntii waxa la isla qaatey in qaranka loo shaqeeyo hawl maalmeedkana wada jir loo qabto isla markaana kulamo joogto ah laga yeesho sidii looga tashan lahaa waxa qabsoomey iyo howlaha wax ka qabashada u baahan.

Gunaanadkii shirkan iyo intii uu socdeyba ayaa waxa ka muuqdey sida hayad waliba ay diyaarka ugu tahey in ay la shaqeyso hayadaha kale run ahaantiina kulankani waxa uu ahaa kulan inta badan aad loogu lafo gurey arimo muhiima xoojinaya amniga xasiloonidana kor u qaadaya dhismaha dowladnimo iyo maamul wanaagana sii adkeynaya.

qodobada gunaanadka shirka.

1- Wasiir Dowlaha Amniga ee Wasaarada arimaha Gudaha oo furey soona xidhey kulankan kuna dhawaaqey wada shaqeynta dowladaha hoose, booliska, laanta socdaalka, sirdoonta iyo bulshada in la dhaqan galiyey isla markaana ay kulamo joogto ah yeelan doonaan bil kasta.

2- Duqa Caasimada Hargeisa oo ku wareejiyay taliyaha laanta socdaalka xafiisyada laamaha socdaalka ee dagmooyinka caasimada hargeisa isla markaana sheegey in ay shaqaaleysiiyeen 8 xoghaye oo jaamiciyiin ah oo isku xidhi doona bulshada, dowlada hoose, booliska, laanta socdaalka, sirdoonka iyo Dab-damiska iyo badbaadada Bulshada Caasimada

3- Taliyaha Ciidanka booliska oo wacad ku marey in Ciidanka booliska somaliland uu xidida u siibayo cida ka ganacsatada mukhaadaraadka iyo in laga wada jaro muraayadaha beersoosha gaadiidka oo dhan sidoo kale waxa uu bulshada ugu baaqey in aaney qabyaalad ku difaacin cida xumaanta wada ama amniga waxyeeleysa sidoo kalana waxa uu dowlada hoose ka codsadey in ay diwaan galiyaan gaadiidka yaryar ee Tagaasida Tukhaanka loo yaqaano sidoo kalana waxa uu balan qaadey in ciidanka boolisku la shaqeynayo bulshada iyo maamulkaba waajibna ay ku tahey in ay la shaqeeyaan bulshada isaga oo ka digey taliyaha ciidanka boolisku in aaney bulshada qarinin goobaha mukhaadaraadka lagu iibiyo ama cidii kale ee amniga waxyeelo galineysa.

4- Taliyaha laanta socdaalka ayaa ka mahad naqey xafiisyada dowlada hoose ku wareejisey waxana uu sheegey in ay habeen iyo maalinba xafiisyadaasi shaqeyn doonaan loogana faa,iideyn doono danaha dalka,dadka iyo diintaba.