Kulan Xog-warran ah oo uu Madaxweyne Axmed Siilanyo la yeeshay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, 08.12.2015

0
654
????????????????????????????????????

Taariikh: – 08/12/2015
WAR-SAXAAFADEED

Kulan Xog-warran ah oo uu Madaxweyne Axmed Siilanyo la yeeshay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, 08.12.2015.

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo isagoo ka duulaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ee ah inuu la xisaabtamo masuuliyiinta uu u magacaabo Xilalka Hay’adaha Qaranka, wuxuu maanta (08.12.2015) Xafiiskiisa kulan ballaadhan kula yeeshay masuuliyiinta sar-sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Madaxweyne Axmed Siilanyo isagoo gudanaya xilka iyo masuuliyadda uu ummadda u hayo, ujeedada ugu muhiimsan ee ugu yeedhay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa weeye si ay uga war bixiyaan, Madaxweynuhu uga helo xog dhammaystiran wixii sannadkan 2015-ka Wasaaraddooda u qabsoomay, wixii aan u qabsoomin, caqabadaha ka hor yimid iyo weliba qorshaha, hilaadda iyo hiigsiga ay leeyihiin sannadka 2016-ka.

Kulanka waxa shir-guddoominayey Madaxweynaha waxana goob-joog ahaa:

Xagga Wasaaradda Madaxtooyada: Madaxweynaha, Madaxweyne/ku-xigeenka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Af-hayeenka Madaxweynaha iyo Xoghayaha Madaxweynaha.

Xagga Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: Wasiirka, Wasiiru Dawlaha, Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare, Guddida Tacliinta Sare, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka, Waaxda Manhajka iyo Tababarrada iyo waliba aqoonyahano kale oo xilal sare ka haya Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Ugu horraan waxa hadalkii bilaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdillaahi Ibraahim Habbane oo Madaxweynaha JSL uga mahad-naqay kulanka xog-warranka ah ee Wasaaraddiisa loogu yeedhay. Wasiirku wuxuu si guud-mar-ah uga war bixiyey in Siyaasadda hagta Wasaaraddiisu ay qayb muhiim ah ka tahay siyaasadda guud ee ay Xukuumaddu ka leedahay adeegga Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Qaranka JSL. Wasiir Habbane wuxuu tibaaxay in ummad walba ay u egtahay sida ay waxbarashadoodu u egtahay. Sidaa darteed, in masuuliyadda koowaad ee Wasaaraddiisa saarani ay tahay gudbinta iyo baahinta wax-barshada aasaasiga ah si ilma kasta oo reer Somaliland ah uu u helo fursad wax-barasho. Sidoo kale, tabinta aqoonta iyo tayaynta waxbarashadu waa waajibaadka muhiimka ah ee saaran Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Wasiir Habbane wuxuu sheegay in Wasaaraddiisa iyo hawl-wadeenadeeduba ay si weyn ugu baraarugsan yihiin kaalintooda bulsho, isagoo tilmaamay in Wasaaradiisu ay Qaranka uga wakiil tahay bixinta adeeg dadweyne oo xagga Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ah oo tayo leh.

Kulankii xog-warranka ahaa ee uu Madaxweyne Axmed Siilanyo ugu yeedhay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa iyaguna ka war bixiyay Wasiiru Dawlaha Mudane Axmed Nuur Faahiye iyo labadada (2) Agaasime Guud ee Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Abiib Axmed Cali iyo Mudane Yusuf Axmed Cali oo iyagu si qoto dheer uga xog warramay wax-qabadka iyo horumarka ay Wasaaraddu ku tallaabsatay. Wasiiru Dawlaha iyo Labada Agaasime Guud waxay si mug leh uga war bixiyeen isla markaana ay hoosta ka xarriiqeen korodhka tirada ardayda dhigata iskuullada hoose, kuwa sare iyo Jaamacadaha, Tirada Macallimiinta iyo koboca Miisaaniyadda ay ku shaqayso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare muddadii ay Xukuumadda Axmed Siilaanyo talada dalka haysay.

Tirada Iskuulada Hoose 2010 Tirada Iskuulada Hoose 2015 Tirada Iskuulada Sare 2010 Tirada Iskuulada Sare 2015
684 Iskuul 931 Iskuul 61 Iskuul 85 Iskuul

Tirada guud ee ardayda dhigata Iskuulada Hoose iyo Sare 2010 Tirada guud ee ardayda dhigata Iskuulada Hoose iyo Sare 2015
160,000 (oo arday) 232,546 (oo arday)

Tirada Macalimiinta Was. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 2010 Tirada Macalimiinta Was. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 2015
2,707 Macallin 6,376 Macallin
Miisaaniyadda Was. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 2010 Miisaaniyadda Was. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 2015
13 Bilyan SLSH 77 Bilyan SLSH (467%)

Wasiiru Dawlaha iyo labada Agaasime Guud waxay tilmaameen doorka ay Wasaaradda ku leedahay horumarka bulshadeena, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay inay qayb laxaad leh ka qaataan fulinta iyo hirgelinta qorshayaasha iyo hadafka ay Xukuumaddu leedahay xilliga dhaw iyo xilliga dheerba. Sidoo kale waxay ka war-bixiyeen hadafka iyo hiigsiga u astaysan iyo weliba baahiyaha daruuriga ah ee haysta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee wax-ka-qabasho u baahan.

Waxa iyaguna kulankaa hadal kooban oo miisaaman ka soo jeediyey M/weyne/k/xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ku booriyey inay mudnaanta koowaad siiyaan sidii ay bulshada u siin lahaayeen adeeg-Waxbarsho oo tayo leh isla markaana ay ku dadaalaan sidii loo wanaajin lahaa tayada waxbarasho ee iskuullada Dawladda taasoo salka ku haysa siyaasadda guud ee Xukuumadda.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo si aad u qoto dheer u dhegaysanayey su’aalana ka weydiinayey xog-warranka ay bixinayeen masuuliyiintii hor fadhiday, wuxuu kulankii ku soo gaba-gaboobay hadal dar-daaran iyo dhiirrigelinba ahaa oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare isagoo sheegay in tayada wax barasho ee ay ummadi leedahay ay ka tarjumi karto horumarka iyo hiigsiga ay ummaddaasi leedahay. Gabagabadii Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiintaa dhammaantoodba ku booriyey inay sida ugu habboon u gutaan waajibaadka iyo xilka ay ummadda u hayaan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.