“KULMIYE Waa Xisbi Maanta Waayo Arrag Ah, Ummadda Runta Ayaanu U Sheegaynaa, Waxaannu Qabanay Waa Wax Cad, Barnaamijkayagiina Maalin Dhow Ayaannu Soo Bandhgiaynaa.” Wasiirka Madaxtooyadda JSL + SAWIRO

0
442

“KULMIYE Waa Xisbi Maanta Waayo Arrag Ah, Ummadda Runta Ayaanu U Sheegaynaa, Waxaannu Qabanay Waa Wax Cad, Barnaamijkayagiina Maalin Dhow Ayaannu Soo Bandhgiaynaa.” Wasiirka Madaxtooyadda JSL

Gabiley (WSN) Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaciyey in xisbi xaakimka KULMIYE uu dhawaan soo bandhigi doono barnaamijkiisa siyaasiga ah ee uu kaga qayb galayo tartanka doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay in Murrashax Muuse Biixi Cabdi uu yahay hoggaamiye la tijaabiyey oo aqoon u leh bulshada Somaliland, isla markaana uu yahay masuulkii xaqiijiyey in la qarameeyo dhalinyaradii daydayga ahaa ee Isbaarooyinka dadka ku baadhan jiray saqaashameeyadii.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa arrimahan kaga hadlay khubad uu xalay u jeediyey dhalinyarada wax ka baratay ,jaamacadda Timada-cade ee magaalada Gabiley oo uu ilaa shalay u sugnaa, isaga oo da’yartaasi u sheegay in tallada Somaliland aan lagu halayn kari siyaasi layli ah.

Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo arrimhaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Ugu horayn farxad weyn ayey ii tahay caawa inaan soo booqdo rugtii aqoonta gobolka Gabiley, jaamacadda Timada-cade, farxad weyn ayey ii tahay inaan dareen la wadaago, aqoon, dood, iyo is arag la wadaago, da’ yarta gobolkan ee aqoonta badani ku dihan tahay, ee caawa aynu joogno hoolkii jaamacadda, waa wax ILAAHAY loogu mahad naqo.

“ Intaa ka dib aniga oo munaasibada ka faa’iidaysanaya waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo, barnaamijkii iga horreeyey ee aan soo gaadhay ee buuga Kayd deegaan ee halkan ay ku soo bandhigtay Huda Cali Banfas, runtii waxa weeye wax qiimo weyn leh, waa waxyaabaha aynu u baahan nahay in dhalinyaradeenu ay ku talaabsadaan, Ummadd walba aqoonyahankeedaa horumariya, duniduna maanta aqoonta iyo qalinka ayey ku kala awood badan tahay, maanta waa laga soo gudbay wakhtigii hubka lagu kal adkaa, maanta aqoon ayaa talisa.”

Geesta kalena Wasiir Xaashi ayaa ka sheekeeyey dhismihii qaranka Somaliland iyo kaalmhii kala duwanaa ee ay Madaxweyneyaashyu ku lahaayeen waxaannu yidhi “ Hadii maanta dhalinyaradeenii wax qorayaan waa qiimo weyn, waa horumar weyn, shalay ayey ahayd wakhti laga yaabo badankiinu in aad markaa dhalateen, oo halkan aynu maanta joogno iska daa wax la qoree, Jaamacaddna aanay wadanka jirin, wadooyinkuna Hargeysa ilaayo Boorama boqol isbaaro ayaa yaalay, inamo qoryo sita oo da’yartii idinla midka ahayd oo dadka baadhaa ay joogeen, bartan ayaanu ku marnay oo nalagu baadhay, oo aan ka mid ahaa dadkii dhibaatooyinkaasi ay soo wajaheen, Isbadal weyn oo nololeed ayuu qarankani ilaayo 1993-kii markii dawladdii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal aynu Boorama ku yagleelnay, ilaa wakhtigaa Somaliland waxbaa u kordhayey, Somaliland hoggaamiyeyaashii mid waliba waxbuu qabtay waana qiimayn gaar ah taariikhdana lama dafiri karo, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal haykal dawladeed ayuu qarankan u sameeyey, Madaxweyne Daahir Rayaale-na wax weyn buu ku kordhiyey oo doorashooyin ayuu qabtay, Dawladda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ee xisbiga KULMIYE, iyaduna wali iyadaa talladii haysay waana cadceed casar joogta, muddo xilkeedkeediina wuu dhow yahay, taariikhda ayaa sheegi dooonta waxa ay qabatay, wax muran badan gala maaha, War iyo sheeko ayaa ka hadha shafaacana way ka hadhaa, dhaxal iyo muuno wuu ka hadhaa, xisbigiisa waxa u hadha dhaxal oo dawladaasi waxay qabatay wuu u shafaaco qaadaa ama shacbiga u codeeya, ama way ka codeeyaan.”

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi ayaa ka hadlay Shaqsiyada iyo hal adayga Mudane Muuse Biixi waxaanu yidhi “ Xisbiga KULMIYE waa xisbi maanta waayo arrag ah, Ummadda runta ayaanu u sheegaynaa, waxaannu qabanay waa wax cad, barnaamijkayagiina maalin dhow ayaannu soo bandhgiaynaa, waxannu maanta wadnaa waxa weeye hoggaamiye shirabadan, oo aan layli ahayn oo ah nin Ummaddan iyo dalkan u soo halgamay aqoona u leh, shalay dhibaatooyinkii boqolka Isbaaro ee Boorama ilaayo Berbera ahaa ninkii isaga oo Wasiiral Daakhili ah maareeyey ayuu ahaa, taariikhda Muuse Biixi ayey ku jirtaa, caqligii, xiniyihii iyo raganimadii isaga oo wasiir ah uu ku maaraayey, Madaxweynihiisuna tallada iyo hal abuurka lahaa, haduu mindida daabkeeda qabto wax badan ayuu maarayn karaa. Somaliland maanta waxay u baahan tahay hoggaamiye ka qaada meesha Axmed Siilaanyo dhigay, Axmed Siilaanyo ninka ka dambaynayaa waa inuu yahay nin shiraban, qaranka talladiisna lagu aamini karro, waa inuu yahay nin duruufaha adag ee maanta ku geedaaman kala dabaalan karra.”