KULMIYE Wuu Ku Dhawaaqay Shirkiisii Golaha Dhexe, WADDANI-na Dhaleecayn Loogama Baahnee Barnaamij Ayaa Laga Doonayaa” Boqor Buurmadaw

0
331

“KULMIYE Wuu Ku Dhawaaqay Shirkiisii Golaha Dhexe, WADDANI-na Dhaleecayn Loogama Baahnee Barnaamij Ayaa Laga Doonayaa” Boqor Buurmadaw

Hargeysa (warsugannews)-Boqor Cismaan Aw-maxamuud (Buurmadaw) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland kuwooda ugu caasan ayaa ka hadlay talaabada looga baahan yahay Xisbiga WADDANI, maadama uu Xisbiga KULMIYE ku dhawaaqay shirkiisii Golaha Dhexe, waxaana uu sheegay in WADDANI barnaamij looga baahan yahy basle aan looga baahnayn dhaleecayn.

Boqor Buurmadaw oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi ” “Qoladii Kulmiye way muddeeyeen wakhtigay shirweynaha qabsanayeen. Hadalkii badnaa wuu soo gaabanayaa oo waxaan u malaynayaa oo Odaygiina(Madaxweyne Siilaanyo) musharax maaha, markaa WADDANI dhaleecayn loogama baahna iyo dawlad baa waxaas tidhiye ee waxaa looga fadhiyaa dadka wixii lagu kasban lahaa, waxay taagan tahay barnaamijyadii in la soo bandhigo,” ayuu yidhi Boqor Buurmadow.

Boqorka ayaa xusay inuu aragti ahaan filayo inuu Madaxwaynuhu dhowaan ku dhawaaqi doono inaanu Musharrax u ahayn KULMIYE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here