Kuma Raacin in aan Mansab iyo Maaliyada Ka Helo Muuse Biixi Cabdi Qalinkii Ridwan-Akiid

0
768

Kuma Raacin in aan Mansab iyo Maaliyada Ka Helo Muuse Biixi Cabdi Qalinkii Ridwan-Akiid

Wakhti hada laga joogo laba sanaadood ayaan shaqo warbaahineed la bilaabey xisbiga kulmiye anigoo wariyaha gaarka ah u noqdey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo xiligaa ahaa murashaxa madaxweyne ee xisbul xaakinka kulmiye marka laga yimaado xirfadeyda saxafinumo waxaan aragti ahaan taageersanaa siyaasada Hogaamiye Muuse Biixi Cabdi sababta oo ah markaan bartey waxaan ku qancay in uu tahay shaqsiga kaliya ee isbadal nololeed u samayn kara bulshada reer somaliland oo nololashooda aya soo foodsaartey waayo adag oo gurmad u baahnaa waxaan dhexda u xidhey sidii xisbiga kulmiye mar labaad ugu guuleysann lahaa hogaaminka qaranka curdinka ah ee Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi Kartidiisa ku dhiciisa hankiisa iyo hiigsiga uu la damacsan yahay somaliland markaan arkey ayaan la jeclaadey in uu noqdo madaxweynaha shaanad ee somaliland ay yeelato wixii ka danbeeyay markii ay dib ula soo noqotey xoriyadeedii 18 May 1991.

Deegaano badan ayaan wakhtigii ololaha iyo xiliya ka horeysay madaxweyne muuse biixi cabdi la soo marey isagoo hadalo kala duwan u jeediyay shacabka reer somaliland ee jiidahaas uu ku marayay khudbadiisa waxaa laga dhadhan sanayay bisaylka siyaadees ee ka muuqda hogaamintiisa iyo aqoonta uu u le yagay dalka iyo dadkaba iyo sida uu ugu dhuun daloolo xaalada bulshadu ku jirto iyo isagoo ay u cadeyd sidii wax uga qaban kari lahaa badi shacabka reer somaliland waxay jeclaysanayeen in talada dalka uu qabto hogaamiye hal adag oo ku dhac badhiidha ah leh kaas oo ay u garowsanayeen in uu yahay Muuse Biixi Cabdi.

Waxaney shacabku ka filayeen in uu isbadel wanagsan dhalinayo oo uu rajada shucuubka reer somalaland celiyo dalkana ka suurto galinayo sharci iyo kala dambeyn dhab aha waana sababta ay codka weyn u siiyeen bulshada reer somalialand Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Anigu kuma dooran Muuse Biixi Cabdi in uu dhaqaale xil mansab meeqaam sare i siiyo balse waxaan kaga doortey musharixiintii kale ee kursiga kula tartamayay in uu wax muuqda ka qaban karo xaalada adag ee ay ku jiraan shacabka reer somaliland aniga iyo inta ila aragtida ahiba Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxanu ku dhisidoonaa sidii uu bulshada wax ugu qaban lahaa una dhisi lahaa xukuumada lagu tanaado oo waxqabadkeeda shacabku ay kaga baxaan dhibaato badan oo jirtey.

Nin dhisey iyo ka soo horjeedayba Muuse Biixi Cabdi waa u madaxweyne waxaana waajib ku ah in uu qaranka cadaalad iyo sinaan ka hirgaliyo si somaliland ay guul weyn u gaadho
Waxaan farayaa shacabka reer somaliland in culeyska ah beeshada xil u magacaaw ka daayaan madaxweynaha cusub oo aynu wax ku doono qaranimo iyo somaliland yaa u shaqayn kara waxna u qaban kara.
Alle Xilka Ha Ku Asturo Madaxweynaha la doortey ee somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

Qalinkii Suxufi
Ridwaan Caydiid Ismaaciil (Akiid)
Email: akiid14@gmail.com