Laacibkii Caanka Ahaa Ee Kubada Cagta Ismaaciil Jumayka Oo Iclaamiyey Qabashada Koobka Nabada Midnimda Iyo Horumarka G/saaxil‏

0
649

Berbera (Warsugannews)-Laacibkii weynaa ee ku caanbaxay kubada cagta islmaaciil Caydiid Jumayka, ayaa shaaca ka qaaday qabashada koobka kubada cagta ah .kaas oo loogu magacdaray koobka nabada midnimada iyo hurumarka g/saaxil.

Koobkan ayaa uu sheeegay Injineer Ismaaciil Caydiid Jumayka in uu magaalada Berbera ka bilaamayo 15-ka bishan aynu ku jirno,kaasi oo uu qorsheeyey in ay ka soo qayb-gelayaan kooxaha heerka koobaad ee gobolka saaxil.

Sidoo kalena Laciibkan Ismaaciil Jumayka ayaa qalab ciyaareed kala duwan guddoonsiin doono kooxaha kala duwan ee ka ciyaara gobolka saaxil,waxaana xusid mudan in uu xidigan weyne uu hore qalab ciyaareed kala duwan u gudoonsiiyey kooxaha kubda cagta ee gobolka saaxil ka dhisan,waxaanu markasta ku hawlnayahey halyeyganu habeen iyo maalin taagulanta bulshada iyo sidii loo hurumarin lahaa arimaha bulshada.

Inj.Ismaaciil Caydiid Jumayka ayaa hore u ahaa ciyaartow calanka u siday xulkii qarankii burburtay ee somaliya,isagoo sidoo kalena ahaa xidigii kooxdii madbacada qaranka somaliya,kaas oo oo ay bulshad caalamka iyo ta somaliyeed aad u jeclayeen marka uu ciyaarayo kubad cagta.

Dhanka kalena Xidigan reer somaliland ee Ismaaciil Jumayka ayaa ku gacansaydhay dhawaan dalab ug yimi madaxweynaha dowlada fadhiidka ah ee somaliya xasan shiikh maxamuud,kaas oo uu doonayey inuu xil wasiirnimo u magacaabo.balse Inj. Ismaaciil Jumayka ayaa ku gacansaydhay dalabkaasi.