Laascaanood sidii wax uga dhaceen Goobjoog baan u Ahaa Ridwaan-Akiid

0
513

Laascaanood sidii wax uga dhaceen Goobjoog baan u Ahaa Ridwaan-Akiid

Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti Uu Hogaaminayo ayaa Habeenkii Xaley ahaa u hoydey magaalada laascaanood ee gobolka Sool waxaaney gaadheen gobolka shaley duhurkii waxaaney u tageen ololaha maalinta shanaad ee Xisbiga Kulmiye.

Fagaare khayriyada laascaanood waxaa isa soo dhoobey dadweyne aad u tiro badan oo sitey astaamaha calamada xisbiga kulmiye iyo boodhan sawirada murashaxa kulmiye ku xardhan yahay una soo diyaar garowoobey muujinta cududa xisbiga kulmiye ee gobolka sool

Magaalada Laascaanood may aheyn markii iigu horeysay wakhtiyo badan ayaa tagey hawlo shaqo ayaanan u tagey maraaxil badan oo ay soo marteyna joobjoog ayaan u ahaa maalinta maalin ay ka wanagsan tahay garan maayo laascaanood.

Maanta waxay ahayd markii iigu hreysay in indhahaygu ay qabtaan dadweyne intaas leeg oo iskugu soo baxay gudaha laascaanood waxaabey u soo baxeen ka qayb qaadashada ololaha xisbiga kulmiye ee loogu hirdamayo doorashada madaxweynaha Somaliland.

murashaxa xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi iyo waftigiisa ayaa madhasaa fagaaraha soo galey aad baa loo soo dhaweyey reer laascaanoodna way u riyaaqeen waxaa si habsami ah u bilaabmantey xafladii joogbaas la iskugu yimi waxaana xidhiidhinayay oo hadalka qaybinayay Wariye Axmed C/raxmaaan Xirsi oo Heello ku Magac dheer waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah fanaaniinta laga daba dhacey ee xidigaha geesku ay meesha ka heesayeen oo munaasibadaas ay qayb ka ahaayeen.

qaar ka mid ah dhalinyaradii meeshaas ku sugnaa ayaa buuq abuurey ka dib markii kooxda fanaaniinta xidigaha geesku ay ka yara nasteen heesihii ay qaadanayaan waxaana isku dhacey dhalinyaradii iyo ciidankii amaanka u xil saarnaa xabadaado aan sidaa u buurneyn ayaa joobta ka dhacey markii dhalinyaradaas ay dhagaax tuureen laakiin may saameyn xafladii madaxduna waxay sii wateen khudbadahoodii ku waajahnaa olalaha xisbiga kulmiye shacabka cod kaga doonayay sidii xisbigana mar labaad loo dooran lahaa sidii loogu talo galey ay ay wax waliba u dhaceen munaasiabdiina u soo gabagaboodey.

waxaan la yaabey dadka sawirka khaldan ka bixinayay waxa ka dhacey fagaaraha khayriyadda magaalada laascaanood ee gobolka Sool joobjoog ayaan u ahaa sidii waxa u dhaceen iyo sidii gobonimada laheyn ee reer laascaanood u qaabileen una xuseen maalinta shanaad ee ololaha doorashada maadxtoyada ee xisbiga kulmiye.

waxaan ka codsanayaa walaalaheyga majara habaabinayay reer laascaanood ee maal kaga dhacaya bulsho gob ah oo ixtiraamka iyo milgaha lagu majeerto in ay xajiimeynta ka daayaan bulshada ku dhaqan gobolka sool

waligey maan arkin sida reer laascaanood iskugu soo baxeen faagare xitaa xuska 18 May tagey magaaladaas oo maanta maalin ay dadku ka badnaayeen indhahaygu may qaban
isku soo baxa reer laascaanood waxay fariin u tahay dadka neceb midowga iyo isku xidhnaanta bulshadaas si ay horumar gaadhaan runtii wey tashadeen reer laascaanood dantoodiina wey garteen ee ha ku daalina.

Suxufi Ridwaan=Akiid Caydiid Ismaaciil
Email: akiid14@gmail.com