Labaddii Wariye Ee Berbera Ku Xidhnaa Oo Dib Xoriyadoodii U Helay+ Qoraalka Maxkamadda Oo Ku Gacan-saydhay Dalab Ay Wateen Booliska Iyo Xeer-Ilaalintu

0
736

Labaddii Wariye Ee Berbera Ku Xidhnaa Oo Dib Xoriyadoodii U Helay+Maxkamadda Oo Ku Gacan-saydhay Dalab Ay Wateen Booliska Iyo Xeer-Ilaalintu

Berbera:(Warsugannews)- Wararka hadda naga soo gaadhaya Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil,.ayaa sheegaya in Maxkadda Gobolku ay ay xoriyadoodii usoo celisay Labbo Wariye iyo Awbaan Maalmihii ugu danbeeyay ku xidhnaa Saldhiga dhexe ee Magaaladda Berbera,ka dib markii sida la sheegay uu xadhigaas amray Wasiir Ku-xigeenka Xanaanadda Xoolaha, Cali-gadheer.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in Maxkamaddu ay ku gacan-saydhay Codsi ay Laamaha Amaanka iyo Xeer-ilaalinta Gobolku ay ku rabeen in dhawr cisho oo danbe la sii hayo Wariyaasha ,si ay Dacwad ugu soo oogaan.

Wariyayaasha ayaa kala ah;Axmed Siciid Maxamed oo ka hawl-gala TV-ga Kalsan Iyo Cabbdiraxmaan oo ka hawlga Tv-ga ROYAL Iyo Abwaan Maxamed Xasan Cajaa’ib.
12107916_831684820233779_600205062407337349_n

12144778_831684686900459_2860007284290591650_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here