Lewandowski oo iska diiday fursad uu ku noqon karay xidigga ugu mushaarka badan dunida!

0
342

Cezary Kucharski, Wakiilka Xidigga kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa shaaca ka qaaday in uu dalab khiyaali ah oo lagu doonayo Weeraryahankani uu kaga yimid dhinaca Shiinaha, isagoo xusay in laacibku mar uu ku sigtay inuu noqdo xidigga ugu mushaarka badan caalamka kubadda cagta.

Kooxdan Shiineeska ah ayaa Lewandowski u soo bandhigtay 200 Milyan oo Euro oo ay marka hore ku iibsanayso iyo mushaar sanadle ah oo gaaraya 40 Milyan oo Euro, kaas oo noqon lahaa mid ka badan mushaarka uu Shiinaha ka qaadanayo Carlos Tevez.

“Waxaa ila soo xiriiray mid ka mid ah ganacsatada Shiinaha wuxuuna ii soo bandhigay lacag aad u fara badan, haddii Lewandowski uu go’aansan lahaa inuu isku soo tijaabiyo Horyaalka Shiinaha haatan waxa uu qaadan lahaa 40 Milyan oo Euro sanadkii”  sidaa waxaa warbaahinta u sheegay wakiilka Lewandowski.

Weeraryahanka Poland ayaa bartamaha xilli ciyaareedka haatan socda waxa uu Bayer Munich u dhaliyay  12 gool halka laba gool kalena uu saaxiibadiisa ku caawiyay, waxaa intaa dheer inuu 5 jeer goolal ka dhaliyay Koobka Horyaallada Yurub.