LIISKA MAGACYADA GOLAHA WASIIRADA EE MAAMULKA GALMUDUG OO DHAMEYSTIRAN

0
977

LIISKA MAGACYADA GOLAHA WASIIRADA EE MAAMULKA GALMUDUG OO DHAMEYSTIRAN (AQRISO)

Galmudug(WARSUGANNEWS)Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa caawa magacaabay Golaha Wasiirada Maamulkiisa, inkastoo ay u muuqdan inaanay dhameystirnayn.

Xaflad lagu qabtay Madaxtooyada Magaalada Cadaado, ayaa waxaa looga dhawaaqay liis ay ku qoran yihiin magacyada 24 Wasiiro, 23 Ku Xigeeno iyo afar Wasiiru Dowlayaal ah.

C/risaaq Maxamuud Xaaji Xasan (Socoto), Afhayeenka Maamulka Galmudug, ayaa xafladda ka akhriyay liiska magacyada Golaha Wasiirada, xilli Madaxweynuhu uu goobjoog ka ahaa.

Golaha Wasiirada, ayaa waxaa ka soo muuqday xubno ka tirsan mid ka mid ah labada garab, ee ay u kala qaybsamayn Madaxda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe. Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye, ayaa ka mid ah ragga lagu dhex arkay liiska Wasiirada.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlaayay xafladda, ayaa sheegay inay u suurta gashay magacaabidda tiradaasi, isla-markaana ay dib ka soo magacaabi doonaan inta kale ee u dhiman.

Mar uu Madaxweynaha ka hadlaayay sababta keentay dib u dhac ku yimid magacaabidda Golaha Wasiirada, ayaa sheegay inay ku mashquulsanaayen qancin beelaha iyo Ahlu Suna, hadana ay Ahlu Suna ku qanciyen inay ka mid noqoto Galmudug.

Wariye-yaasha Magaalada Cadaado, ayaa soo sheegaaya Golaha Wasiirada ee caawa la magacaabay in intooda badan, ay ku cusub yihiin saaxadda siyaasadda Somaliya.

41dcd98a

d445906e

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here