Looma Ooyaan! Qeybtii 2-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad‏

0
392

Looma Ooyaan! Qeybtii 2-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad‏

Maalinba waxa soo waajahayay Marxalad saamaynteedda leh,taas oo laga yaabbo inay si weyn u dhaawacdo geedi-socodkiisa nololeed ee uu halganka ugu jirro. Da’ahaan waxa uu baarka ka jarray 35 sannadood oo 25 sanno oo ka mid ahi si toos ah ugu xardhan yihiin Xusuus qorkiisa Nololeed,waxaannu ahaa shaqsi ay wanaagga,guusha,xumaha iyo guul-darraddu u kala duwan tahay,kaas oo kalba la gabi-dhaclaynaya dabaylaha Is-bedel ee kolba dhinac kaga imanaya.In badan ayuu dad gacan-qabtay,kuwaas oo taageerro maaliyadeed iyo mid Niyaddeedba u baahnaa,waxaana ka mahad-sheegta dad aad u badan oo Ehel,Asxaab iyo dad kale oo uu Bini’aadam-nimmo ku gacan-siiyay ah.Deegaanka uu ku nool-yahay waxa ku baddan Dadka Dabaqadda hoose ah,kuwaas oo la hal-gamaya noloshoodda,isla-markaasna wax walba ka door-bidaya sidii ay nolol-maalmeedkoodda u helli lahaayeen,ha ahaadoo mid ganacsi kooban haysta,mid Macallin ah iyo xirfadle kale ahba.Waxa wuu ogyahay inuu soo marray xaaladdo ka sheekayn-tooda leh,kuwaas oo lasoo darsay intii uu hayaanka nolasha ku jiray.

Hadda guud ahaanba waxa is-bedelay hab-fikirkiisii,waxaana uu gallay dunni kale,taas oo aan lahayn hammi,higsi iyo himilo-toona,waxaannu La-nool-yahay humaagyo khiyaalli ah iyo nolol dhibaatadeeda leh. Waxa uu bartil-maameed u yahay Umadda inta maan-gaabka ah,caruurta iyo Dumarka aan lahayn caqli ku fillan oo ay wax ku maareeyaan.

Haddii uu baryaha qaar ahaan jirray Nin lagu soo xisaabtammo,hadda waxa looga baydhaa jidadka iyo waddooyinka,waxaana loo arkaa shaqsi aan ugu yaraan is-taahilin in loo is-taaggo,la taageero,lala-taliyo,la nasiyo,waxna la siiyo. Taas bedelkeedda waxa uu khaati ka taagan yahay Af-lagaaddo iyo hagar-daamooyin hor leh,kuwaas oo kaga imanaya qeybaha Bulshadda,waxaanay jira dhaawacyo maskaxeed iyo kuwo-jidh-ahaaneed oo ay ku yeesheen dhibaatooyinkaas kaga imanaya qeybo ka tirsan Bulshadda uu la nool-yahay. Waxa adag in la arko cid u tamqata oo ugu yaraan xusuusta sidii uu hore u ahaan jiray iyo kaalintii muuqatay ee uu bulshadda ugu jiray. Waxa aan gabi-ahaanba kasoo ag-xaadirin haatan qaar badan oo ka-abaal-sheegan jirray,kuwaas oo uu sabab u ahaa inay hayaanka nolasha dhinacooda qabsaddan,kana gudbaan duruufo adkaa oo lasoo darsay,waxaabay iska ilaaliyaan inuu arko ama uu soo xasuusto inuu wakhti hore abaal-weyn u gallay,waxaanay aamisan yihiin in haddii ay isu sheegaan ama uu gartaba ay saamayn iyagga ku keenayso,Ninkanna aannu ahayn shaqsi ugu yaraan laga sheekeeyo inuu nolasha meel sare kaga jiray,una dhibirsanaa dadka jilicsan iyo maatidda la deriska ah.

Isaga Laf-ahaantiisu waxa uu dareemayaa in la hagraday oo dad badan siidii uu ugu lisay aannay ugu hanbayn,waxaana uu garan la’yahay sababta ay sidaasi u dhacday,waxaana isu qaban la’ sannado ka hor dadkii badnaa ee ku xeersanaa iyo maanta halkay taggeen iyo sababta uu ugu yarraan u arki waayay cid gurrigiisa ugu timaadda ama Jidadka ku salaanta sidii markii horeba dhici jirtay.

Lasoco….

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

@Bahda HAL-REEB