Louis Van Gaal Oo Wax Laga Waydiiyay Waraka Man United La Xidhiidhinayay Neymar, Muxuuse Ka Yidhi Xaalada De Gea Ee Sii Xumaanaysa

0
492

Sidii aanu wararkii hore idiinku soo gudbinay kooxda Manchester United ayaa lala xidhiidhinayay inay xiisaynayso xidiga kooxda kooxda Barcelona ee Neymar, waxaana jiray warar soo baxay oo sheegayay ina Man United ay wada hadalo qarsoodi ah oo ay ku doonayso Neymar ay la yeelatay maamulka Barcelona. Ed Woodward ayaa Barcelona uduulay todobaadkii hore waxaana la markii hore la moodayay  inuu doonayay sidii uu Pedro heshiiskiisa u soo dhamaystiri lahaa laakiin waxaa la sheegay inuu u tagay wada xaajood u socday Barcelona kaas oo ay Red Devils ku doonayso Neymar.Neymar

Haddaba markii uu soo dhamaaday kulankii ay Man United barbaraha la gashay kooxda Newcastle United ayaa Van Gaal wax laga waydiiyay warka Man United la xidhiidhinayay Neymar wuxuuna ku jawaabay: “Anigu ma soo galayo doodan, waxaad iwaydiin kartaan ciyaartoyda aduunka oo dhan taasna waxaad samaysaan shirarkayga jaraa’id oo dhan aniguna markasta waxaan idiin sheegaa wax isku mid ah. Waxaa igu waajib ah inaan ilaaliyo danaha Manchester United, doorashada ciyaartoydayda iyo dadka u ku jira ururukayga”.neymar

Sidoo kale Van Gaal ayaa wax laga waydiiyay xaalada sii xumaanaysa ee David De Gea kaas oo wali kulamada Man United ka soo daawanaya taarabuunka wuxuuna Van Gaal oo ka hadlaya De Gea uu yidhi: “Anigu waxba kama odhan karo arintan, sababtoo ah waa shaqo socota, waligaana waxba kama ogaan kartid. Markasta waa wax dhib badan, sababtoo ah waa inaan ilaaliyaa kooxda,ciyaartoyda iyo teamkayga. Wax badan idiinma sheegi karo, wax kasta ayaad iska sheegi kartaan, mana jirto cid idinka idin eedaynaysaa, taas ayaa ah kala duwanaanshaha”.De Gea

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here