Ma Filayo In Madaxwaynuhu Cid Gaara U Afduubayo KULMIYE ,Waayo…. ”Xil.Kijaandhe

0
552

“Ma Filayo In Madaxwaynuhu Cid Gaara U Afduubayo KULMIYE ,Waayo…. ”Xil.Kijaandhe.

Hargaysa (Warsugannews)- Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana dhawaan shaaciyey inuu u tartamayo Musharraxa Jagada Madaxwaynaha ee Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in haddii Madaxweynaha talada haya Axmed-Siilaanyo oo ah aasaasihii Xisbigaas kala jeclaysto Musharrixiinta oo uu cid gaar ah dhabarka taabto ay iman karto saamayn xooggan iyo dhaawac soo gaadha KULMIYE.

Waxa uu Musharrax Kijaandhe ka warramay hawlaha diyaar-garawga Xisbiga dhexdiisa ee Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE oo loo muddeeyey qabashadiisa tobanka bisha 11-aad ee sannadkan aynu ku jirno. Xildhibaan Kijaandhe, waxa kale oo uu ka hadlay wararka sheegaya in Madaxweynaha Somaliland uu mid ka mid ah Siyaasiyiinta ku loolamaya Musharraxnimada Madaxweynaha ee KULMIYE u astaynayo in lagu doorto shirka Golaha dhexe, waxaanu ku dooday inaanu tallaabadaas ka filaynin Madaxweyne Siilaanyo, balse haddii uu ku kaco ay tahay mid Xisbiga burbur u horseedi karta.

Axmed Cabdi Kijaandhe , ayaa isaga oo ka jawaabaya sida uu ugu diyaar-garoobayo shirka Golaha dhexe ee lagu dooranayo Musharrixiinta jagada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE ee la muddeeyey wakhtigiisa, waxa uu yidhi; “Anigu Musharrixiinta ayaan ka mid ahay, diyaarna waan ahay, aadna waan ugu sii diyaar-garoobayaa intaa hadhay.”

Mudane Kijaandhe oo la weydiiyey kalsoonida uu ku qabo in shirka Golaha dhexe u dhaco si dimuquraaddi ah, waxa uu ku jawaabay; “Waxay u baahan tahay maamul-wanaagsan iyo in hawshu caddaato, taasina waxay ku xidhan yihiin hoggaanka Xisbiga iyo Guddiga Golaha dhexe. Markaa, sidaannu uga baranney Xisbiga iyo Odeyga (Madaxweynaha) waxaannu ku kalsoonnahay inay si dimuquraaddi ah wax u dhici doonaan.”

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka jawaabayey su’aal nuxurkeedu ahaa in Madaxweynuhu cid gaar ah taageerayo Musharrixiinta Jagadaas u taagan, waxa uu yidhi; “Ku tidhi-ku-teen caynkaas ah waynu maqalnay, mid kale oo ka dambeysay oo ah dhexdhexaad baan ka noqonayaana waannu maqalnay. Laakiin, waxa loo baahan in taa Madaxweynuhu uu meel adag iska taago oo uu si rasmiya u sheego oo uu yidhaahdo anigu dhexdhexaad baan ka ahay oo uu muujiyo, haddiise ay dhacdo oo uu cid gaar ah taageero, Xisbiga dhaawac bay ku keenaysaa.”

Waxa uu Xildhibaan Kijaandhe Madaxweynaha u soo jeediyay inuu qabto shir ka hor shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, haddii buu yidhi uu cid gaar ah taageerayo iyo haddii kaleba, waxa uu yidhi; “Madaxweynaha waa la doortay oo waa lala soo shaqeeyay, wakhtigiisii wuu dhammeystay. Markaa, waa inuu shir qabtaa oo uu guddoomiyaa oo uu dadka Xisbiga ku yidhaahdaa waad mahadsan tihiin waad illa soo shaqeyseene, markaa ka dib yidhaahdaa anigu ma sharraxni ee maxaynu yeenlaa? Markaa, ma cid la isla garay mise la isla garan waa’. Haddii cid la isla garto waa la xallilay (arrinka), haddiise taasi iman waydo waa inuu isagu dhexdhexaad ka noqdaa.”

Musharrax Kijaandhe, waxa kale oo uu tilmaamay inuu aad uga soo horjeedo in Madaxweynuhu uu cid gaar ah dhabarka taabto si Musharraxa Xisbiga loogu doorto, waxaanu yidhi; “Aad baan uga soo horjeeddaa taa, waayo? Way khaldan tahay, Madaxweynahana waan uga digayaa, inkasta oo aan filayo inaanu samaynayn oo dhaqankiisii maaha. Waxaan rumaysanahay inuu dhexdhexaad ka noqon doono oo uu yeeli doono sida Xisbiga dantiisu ku jirto, waynuna maqalley inuu yidhi; ‘waxa la raacayaa sharciga Xisbiga oo si dimuquraaddi ah ayuu u dhacayaa (shirku).”
Source : Himilo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here