MA JAAMACADAA MISE WAA DUKAAMO WADAMADA JAARKA LOOGU MAGACDARO (QALIKII CABDI CAWIYE)

0
518

MA JAAMACADAA MISE WAA DUKAAMO
WADAMADA JAARKA LOOGU MAGACDARO (QALIKII CABDI CAWIYE).

YAAAAAAAAB IYO AMAKAAAAAAG WALI MA ARAGTEEN ARDEY FASALKA 7AAD AH OO HADANA JAAMACAD DHAMEEYEY .KKKKKKKKKK WAATAA WAX BARASHADEENII HADII AYNU U DAMQANAYNO DALKEENA
Waa maxay jaamacadi ?
Waa su’aal aan wali laysba weydiinin shicibka iyo da’yarta dalka ku hadhayba
Jaamacadi waa aqoon sare oo dhaagsiisan fasalka 12aad wixii ka sareeya mana aha mid lagu galo dhayal iyo westayn mana aha mid lagu gali karo aqoon ka hoosaysa fasalka 12aad. Hadaba iyadoo sidaasi ah bal aynu soo qaadano jaamcado ku sheega loogu magac-daray collegeyo ku yaala wadama dariskeena siiba Ethiopia iyo Kenya.
Waxaan walaahi la yaabay arimo badan oo dhinaca waxabarashada iyo hab-dhaqanka jaamacado ku sheega dalalka dariska laga soo waaridey wanaa ka mida arimahaan kula yaabay:-
· Iyadoon ardeyga loo eegin heerkiisa wax-barasho

· Iyadoo macalimiin ay ka yihiin niman Ethiopian ama Swahili ah oo aan iyaguba dugsi sare dhamaysanin

· Waqtiga wax la baranaayo oo kaba yar 2saacadood.

· Ardey aan xitaa magaciisa luqada englishka ku qori kereyn oo hadana ku odhanaaya jaamacada heblaayo ayaan dhigtaa.

Run ahaantii hadii aad dadkeena eegto qof kasta oo AF-QALAAD ku hadla waynu jecelnahay waxaynu moodnaa inuu aqoonyahayn tegey yahay .
ABWAAN CALI SUGULE ALLE NAXARIISTIISA HAKA WARAABIYEE WUXUU YIDHI
“Af qalaad aqoontu miyaa?

Maya, Maya!

Maahee af qalaad, aqoontu miyaa?

Maya, maya!

Mahee, waa intuu qofba Eebbe gashaa

Ayey nala tahay anagee, ma ogtahay

Dib looma abuuro dadkee..
Sideedaba aqoontu maaha afqalaad oo lagu hadlo ama nin isaguba wadankiisii wax aqoona ku dhex joogi keri waayey oo ogaaday in soomaalida bariiska lagaga cuni karo luqada uu u dhashay ee ethiopianka ama sawahiliga ah .
Wasaaradeena waxbarashaduna ma jecla qof reer Somaliland ah oo karti leh inuu jaamacad ka furto Somaliland .

Waxay ka doorbidaan kuwaa caruurteena beenta iyo shahaado aan jirin kaga cunaaya lacgo fara badan ee hadan aan aqoon baray ee ardeyga fasalka 7aad inoo fadhiisanaaya jaamacada .

Jaamacadaha ethiopianka ha la inaga qabto waa kuwa wadankeenii qishka iyo fadhatada waxbarashada geliyey Waxaana Ka Mid a Jaamacada Admas University, Alpha University,Addis Ababa University, New Generation University.
Dhamaan jaamacadaha ajaanibka ah waxa ka mudan kuwa muwaadiniintu furanayaan waayo iyagaa mustaqbalka wadanka iyo dhalintaba ka talinaaya.