MA WAXAN KU MOODAY, MISE WAXAD NOQOTAY, MISE WAXAAN LOO NOQON DOONIN Q. 1aad

0
428

MA WAXAN KU MOODAY, MISE WAXAD NOQOTAY, MISE WAXAAN LOO NOQON DOONIN Q. 1aad
(Waa maqaal taxane ah oo aan ku eegayo xisbiga UCID, shalay,maanta, iyo berito) Waxaana uu yidhi Mujaahid cali guray

Hargeysa(Warsugannews)Dagaalada maanta dunida ka socdaa waxay u badan yihiin kuwa la yidhaa”proxy Wars” ama afka carabiga ” xuruub bi wakaalah”. Waxa looga jeedaa dhinacyada dagaalku ka dhexeeyo ee kala adkaanayaa maaha kuwa is dilaya ee iyagu isku dhimanaya dadkooduna dhimanyo.

Dagaalada maanta ka socda dalalka Carabta gaar ahaan Yaman, suuriya, iyo Ciraaq ayaa tusaale fiican u ah kuwa ay dad badani u arkaan inay yihiin “Proxy war” ay dhinacyada dagaalamaya ama qaarkood u dagaalamayaan dano cid ama cido kale oo shidheeye ah

Dagaalka siyaasadeed ee UCID ka dhex qarxay waxan u arkaa “proxy war” waayo UCID isma hayo ujeedo keliya uu ku midaysan yahayna wuu leeyahay oo ah in uu noqdo XISBIGA KA TALIYA SOMALLAND lakiin cid ama dhinaca ayaa jira u dagaalamaya cid kale oo aan UCID ahayn laakiin bi wakaala ugu dagaalamaya xisbiga UCID dhexdiisa. Cidaa ama dhinacaa ayaa loo arki karaa cid ka tanaasushay hankii xisbiga UCID ee ahaa inu noqdo xisbi xaakimka Somaliland
Waxa cadayn u ah UCID hore ayuu u heshiiyay heshiiskiisiina wuu ku guulaystay ee kumuu khasaarin. Marka aad ka tagto qodobada heshiiskii mideeyay UCID ujeedooyin kiisa ugu muhiimsanaa waxay ahaayeen laba:

Kow waxa aynu wada ogayn xaaladii Xisbiga UCID ka dib khilaafkii guihiisa ee gaadhay inu maxkamad isla galo. Markii go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ahi soo baxay waakii marka laga reebo Faysal iyo shakhsiyaad ku soo hadhay mooyaane xubnihii ugu firfircoonaa ee ugu tirada badnayd ee xisbiga oy ku jiraan xubnihii Gudidiisa Fulinta, Golihiisii Dhexe, xibihii Gudiyadiisa heer degmo iyo gobol iyo waliba xubnihii gudiyada laamaha dibadduba ay mar keliya ka dhaqaaqeen UCID iyada oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada oo ay wehelinayeen dhamaan xubnihii ka soo baxay UCID marka laga reebo hal xildhibaan oo keliya, taas oo ahayd taladii ugu wanaagsanayd iyo go’aankii ugu haboonaa ey qaateen inta tobanka sanadood garabka u ahayd Gudoomiye Faysal ee labada goor la doonay xilka Madaxwaynaha hase ahaato shacbiga Somaliland ay marna Daahir Rayaale ka doorteen markii labaadna ay Axmed Silaanyo ka doorteen isaga oo taageerada uu shacbiga ka helay ay marna 15% ahayd marna 17% ahayd.

Runtii xaaladda Faysal Cali Waraabe iyo xisbigiisa UCID ay ku sugnaayeen waxay ahayd mid la odhan karayay CIDLA CIIRSILA waxana muuqatay hadii aanu gormad degdega helin uu ka baxayay gebi ahaanba saaxadda siyaasadda iyada oo siyaasadda xukuumaddu ahayd in UDUB iyo UCIDba si toos ah loo dilo oo labadooduba ay ka baxaan saaxadda siyaasadda halkiodana ay soo galaan laba ka mid ahaa ururadii cusbaa oo shakhsiyaadkii ugu awooda badnaa xukuumaddu ay ka dambeyeen.

Sidaa daraadeed ayaa ujeedada ugu muhiimsanayd heshiiskii taariikhiga ahaa ee badbaadinta UCID ay ahayd IN LA BADBAADIYO JIRITAANKA XISBINIMO EE UCID KANA MID NOQDO SEDEXDA XISBI EE KU SOO HADHAYA SAAXADDA SIYAASADDA EE NOQONAYA JILAYAASHA MASRAXA SIYAASADDA SOMALILAND TOBANKA SANADOOD EE SOO SOCDA.