Maahmaahyo Saddexlay Ah W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
5147

Maahmaahyo Saddexlay Ah
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Saddex ilaahay baa laga magan gala
• Calool goono taqaan
• Carrab naado yaqaan
• Indho cawri yaqaan
Saddex baa Rag u liita
• Tolkii cay
• Taagtii kibir
• Tarantii la colow
Affa dumar waa saddex
• Kuu toosa
• Kula toosa
• Kaadi la toosa
Saddex xoolaheeda ku qaba oo waan ku furayaa
• Tiro la’aan
• Tabid la’aan
• Tantoomo gurigaa
Saddex gurigeedaa ku qaba oo waan ku furayaa
• Kordhin la’aan
• Kala bedel la’aan
• Kash kaash la’aan
Saddex nafteedaa ku qabta oo waan ku furayaa
• Gallan-gelin geel ka habaas weyn
• Jinacna ka biyo neceb
• Baran-barana ka dufan jecel
Saddex way qalloocdaan
• Gabadh gabadhi dhaadhiday
• Guri dayrta laga guuray
• Geed naago diirteen
Saddex waa lagu ba’ay
• Ban aan faras lahayn
• Bani’aadan aan boqor lahayn
• Barqo aan caano lahayn
Saddex laguma galo
• Gaajo guri og
• Gardaro garrab og
• Gabow geeri og
Saddex baa Ragga u sii daran
• Taada ma-yeele
• Tiisu kumo bixiso
• Tuu keenana kuma deeqdo
Saddex ilaahay baa kugu naca
• Salaad la’aan
• Soon la’aan
• Seko la’aan
Saddex dumarka laguma galo
• Ma hoyato
• Ma hadhsato
• Ma hamido
Saddex saddex maaha
• Hilib sooryo maaha
• Doqoni sokeeye maah
• Suugaani hadal maaha
Saddex oradka laguma gaadho
• Cawl cago ka neefsaday
• Senge subag idaad dhamay
• Caymad geel oo cidla u baxay
Saddexeey saddex ka samir
• Nin laba naagood lahaw nabad ka samir
• Nin saddex naagood lahaw soor ka samir
• Nin afar naagood lahaw sibi xalaala ka samir
Saddex lama arag
• Mari qof ka yar
• Muddo maalin ka yar
• Salaad ragcad ka yar
Saddex col baa jira
• Col cad (biyaha)
• Col madow (dadka)
• Col cas (dabka)
Saddex faa’iido male
• Onkod xagaa
• Irmaan dameeraad
• Arrin colaadeed
Nin saddex buu nin u yahay
• Nin naagtiisuu nin u yahay
• Ninna maalkiisuu nin u yahay
• Ninna afkiisuu u nin yahay
Saddex waa lagu tarmaa
• Hoo waalid
• Hayn cibaado
• Hagar la’aan tol
Saddex waa laga tagaa
• Gob cadhootay
• Gun kibirtay
• Gole ceebeed

Cali cabdi coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Soomaalilaan
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
maahmaahyada saddexlayda ah……………………… Jaamac Biixi Muuse