Maalamahii Madoobaa Ee Uu Ahaa Duqa Caasimad Mayor C/raxman Soltelko Waxa Xigi Doona Xil ka Qaadis Iyo isla Xisaabtam isla socda

0
410

Maalamahii Madoobaa Ee Uu Ahaa Duqa Caasimad Mayor C/raxman Soltelko Waxa Xigi Doona Xil ka Qaadis Iyo isla Xisaabtam isla socda
Golaha Deegaanka ee caasimadda Hargeysa ayaa u doortay Maayar Axad 14 April 2013 Cabdiraxmaan Maxamuud
Caydiid (Cabdiraxmaan Soltelco). Ka dib markii uu Mayorkii Hore ku geeriyooday magaalada Dubia Maayarkii Hore Marxuum Eng. Yuusuf Warsame Siciid.

Golaha Deegaanka Hargeysa Fadhi ay ku yeesheen hoolka shirarka ee D/Hoose ee Hargeysa waxa ka soo qeyb galay 24 xildhibaan, iyadoo uu dhinaca kalena buuxiyay xubinimadii Xildhibaanka Geeriyooday ee Mayarkii hore, kaas oo uu bedelay Xildhibaan Xassan Shahar oo ah xubintii ugu soo xigtay xagga codadka xisbiga Kulmiye.

Fadhigan oo uu Guddoominayay Maayar Ku xigeenka ahna Ku simaha Maayarka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed (Cagaweyne), waxa cod aqlabiyad ah loogu Doortay Maayarka cusub oo aanay jirin cid kula tartantay, waxaana u codeeyay 23 Xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustayna may jirin, Guddoomiyuhuna muu codayn. Waxa madasha ka maqnaa hal xildhibaan.

Maayarka cusub Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa mudaneyaasha Golaha deegaanka uga mahad celiyay kalsoonida ay siiyeen waxaanu balan qaaday in xilka ay saareen uu uga soo dhalaali doono si karti iyo wadaniyad leh.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud (Jeeniyare) ayaa bogaadiyay hanaanka degan ee golaha deegaanka Hargeysa ay ugu midoobeen inay doortaan maayarkii bedeli lahaa Maayarkii geeriyooday ALLE ha u naxariistee Marxuum- Yuusuf Warsame Siciid.

Maayarka cusubi waxa uu ka soo jeedaa xisbiga tallada haya ee KULMIYE, waxaanu ka mid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyay dhinaca codadkii doorashadii 2012 ee kal hore.

Maayarka Cusub C/raxmaan SOLTELCO, wuxuu ka mid yahay dhalinyarada ugu caansan Magaalada Hargeysa, isla markaana waxa lagu tilmaamaa nin firfircoon oo deganaansho iyo dabeecad wanaag lagu majeerto, balse waxa horyaala mashaakilaad Faro badan
Mudadas la dooratay ilaa hadda oo laga joogo muddo seddex sanno ah waxa la taaban karro oo uu qabatay mayor soltelco ma jirto marka laga tagi waayo waxoga farro guudkod ah oo aan ilaa hada bulashadu la dhacsanayn caasimada Hargiesa waxa lagu tilaama magaalo Qadiimi h oo ah kuwa ugu magaca weyn magaalooyinka Geeska Africa.
Balse waxa ka muuqata daryo iyo diif ay la daala dhacyso isla markaan waxa arkaysaa dakhliga laga soo ururiyo bulashda somaliland ee cashuurta dawlda hoose oo aan si muuqta waxa logu qaban.
Akhristow maayir soltelco marka laga tagi waayyay waxa lagu tilaamo inuu Qabatay waxa ka kow ah inuu wadooyin ka dhex sameeyay xaafdood ama deeganka uu ka soo jeedo koodbuur iyo 26 juun.
Kolkaas oo Hargiesa ka kooban tahay Lix degmo o baladhan balse uu Tamrtiisi ku soo koobay lab degmo oo ay Hayb ahaan uu ka soo jeedo.
Caasimdu waxayuu baahnatahy haba noqdaan isku Hyab Qabiil Mayor firfircoon oo waxaqabad muuqad leh isla markaan si fican ugu maamula dakhliga casimad isla markaan la jaanqaadsiiya caasimadah wadamda Geeska Africa.
Akristow ma mudanyahay in xilka laga xayuubiyo maorku iyadoo loo tirinyo Codadka dadkii soo doortay inata la sexeex waqad cosi dalab.

Email mohzaki886@gmail.com