MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW Qaybtii 16aad

0
423

Daraasad koobaysa qorshe hawleedkii nabiga ee Maalinlaha ahaa

Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti Makkah
Qaybta Hore ee Habeenkii (in the first half of the night)
Hargeysa(Warsugannews)Salaada Cishe ka dib nebigu SCW waxuu ku noqon jiray guriga oo sida caadadiisu ahayd ku tukan jiray labada rakcadood ee sunnaha cishaa’iga ka danbeeya.Waxogaa ayuu guriga iska fadhi jiray isagoo la sheekaysanaya xaaskiisa.waxaanay ahayd waqti qiime leh oo uu xaaskiisa la wadaago. Habeenada qaar ayuu u tegi jiray Ansaar si uu waqti ula soo joogo ama u tegi jiray Abubakar iyo Cumar, iyagoo jooga guriga Abubakar, waxaanay si dheer uga sheekaysan jireen arrimaha islaamka iyo baahidiisa.Markuu ka soo baxo way soo raaci jireen iyagoo ixtiraamaya ilaa dariiqa gurigiisa ayay soo dhowayn jireen ilaa uu soo gaadhi masaajidka.

Marka nebigu dariiqiisa soo socdo, waxuu maqli jiray qaar ka mid ah asxaabta oo akhriyaya quraanka habeenka dhexdiisa isaga oo cod la yaab leh ku akhriyaya. Markaas ayuu inta istaago dhegaysan jiray.Habeen ayuu soo maray Abu Musa Al Ashcari oo quraanka akhriyaya markaas ayuu nebigu SCW istaagay oo dhageystay. Subaxdii ayuu la kulmay Abu Musa oo ku yidhi: Abu Muusoow Xalay aad ayaad ugu farxi lahayd hadaad arki lahayd sidaan u dhegaysanayay quraanka adigoo akhriyaya.Waxaad leedahay cod la yaab leh oo midkii nebi Daa’uud oo kale ah.

Habeen ayuu tegay masaajidka si uu u arko Cabdulaahi Ibnu Mascuud oo u taagan salaad habeenka dhexdiisa.Waxaanu akhriyay xilligaas suurada Al Nisaa (4).Markaas ayuu nebigu istaagay oo dhegaystay.Abubakar iyo Cumar ayuu ku yidhi: qofkii doonaya inuu quraanka u akhriyo sidii uu ku soo degay, ha u akhriyo sida Ibn Umm Cabdi oo kale( waa Ibnu Mascuud). Markuu masaajidka soo gaadhay ayuu si diiran u salaamay cod qof soo jeedaa maqli karo balse qof hurdaaku toosin.Inta badan masaajidka waxa seexan jiray dad faqiir ah, nebigana waxaa caado u ahayd inuu salaamo marka uu masaajidka soo galo.
Marka uu ka tago guriga si uu u seexdo, waxuu soo qaadi jiray go’o oo ku gogli jiray meesha uu seexanayo dusheeda dabadeed lugaha la geli jiray si uu u huwado.maryahiisa oo ahaa laba shay ( mid sare iyo mid hoose) wuu iska saari jiray isaga oo meel saari jiray.halkaas ayuu kula seexan jiray xaaskiisa. sariirtiisu waxay ahayd furaash ka samaysan harag gudahana laga buuxiyay walxo, sidoo kale barkimadiisa uu la wadaago xaaskiisa iyaduna isku walxo ayay ka samaynaayeen furaashka.Cadaygiisa waxuu dhigi jiray barkimadiisa hoosteeda si uu u isticmaalo marka uu soo tooso. Markuu soo tooso, waxa ugu horaysa ee uu samayn jiray waa isaga oo cadayda.Markuu cadayga dhamaysto ayuu Caasha siin jiray cadaygiisa oo intay iyaduna ku cadayato haday ku dhamaysto way maydhi jirtay oo siin jirtay. Had iyo jeer, cadaygu waxuu ahaa waxa ugu dhow ee mar walba u wehelka ah si uu ugu cadaydo. Nebigu SCW waxuu sheegay, inuu ka baqayo in uu ilkihiisa qaar ka soo dhacaan sababtuna tahay cadaygiisa oo badan.Nebigu SCW waxuu jeclaa in mar walba ilkihiisu nadiif ahaadaan, maadaama uu malaa’iigta la hadli jiray. Nebigu SCW, muu cuni jirin midhaha diirka leh iyo khudrada sababtuna waxay leeyihiin ur xoogan. Hadii wax laga waydiiyo waxuu odhan jiray: waxaan ka xishoodaa malaa’iigta ilaahay ee ma aha cunto la ii diiday ee kaliya waxaan isaga joojiyay waxaan la hadlaa qaar aydaan idinku la hadlin.

Nebigu habeenkii marka uu waxoogaa u sheekeeyo xaaskiisa si kalgacal leh isuna waydaarsadaan sheekada, hadiiba u baahdo xaal rag way isu tegi jireen, hadii xaaskiisu caadada heshayna, taasi may sababi jirin inuu iska fogeeyo ee way la seexan jirtay, keliya waxuu fari jiray xaaskiisa in ay maro isku nadiifiso.Umm Salamah ayaa tidhi: Waxaan ahaa mid la jiifta nebiga sariirtiisa, markaas ayaan helay dhiigii caadada, waxaan ka soo baxay go’ii dusha naga saaraa oo kacay. Markaas ayuu nebigu I waydiiyay? Ma xilligii ayaad ku jirtaa? Waxaan idhi: haa, waxaan ku jiraa xilligii dumarku ay lahaayeen. Waxuu yidhi: taasi waa mid ilaahay dumar oo dhan ka simay. Waan kacay oo waxii igu waajibka ahaa sameeyay oo ku soo noqday. Nebiga ayaa yidhi: soo dhowow oo go’a hoostiisa soo gal.

Nebigu intaanu seexan wuu sii maydhan jiray sidaas oo kalena wuu wayso qaadan jiray.markaas ayuu seexan jiray. Markuu jiisfsado waxuu odhan jiray: Ilaahay ayaa mahad leh na siiyay cuntada badan iyo cabitaanka, sidoo kalena na siiyay hoyga. Dad badan ayaan haysan cunto ku filan iyo hoy midna.Markay xaaskiisa isu tagaana habeenkaas, markuu tooso wuu maydhan jiray.Waxaanay isaga iyo xaaskiisu ku maydhan jireen biyo keliya oo gacmaha la gelinayo. Waxay xaaskiisu ku odhan jiray: wax biyaha ka mid ah ii reeb, isna sidaas oo kale ayuu ku odhan jiray. Taasina waxay ina tusaysaa qiimaha xidhiidh ee ka dhaxeeyay xaasaskiisa. Markaas hurdo isu diyaarin jiray oo gacmihiisa intuu isu keeno ku akhiriyi jiray gacmihiisa aayaadka soo socda oo ah aayat Kurs, laba macuudatayn iyo ikhlaas.markaa ayuu marin jiray jidhkiisa isaga oo ka bilaabaya madaxiisa. Saddex jeer ayaanu sidaas samayn jiray.

Nebigu SCW ducooyin kale ayuu akhriyi jiray inta uu jiifo. Waxa ka mid ahaa: Ilaahayow adigaa ah rabbiga samooyinka todobada ah, dhulka iyo rabbiga carshiga wayn leh. Rabbiga wax kasta.Allaah midka kala dhambala xabada qamadiga ah iyo khudrada. Allaah midka soo dejiyay towraad, injiil iyo quraanka. Ilaahayow waxaan kaa magan galay shar dhamaantii, foodayduna gacantaada ayay ku jirtaa. Allow waxaad tahay midka u horeeyay wax kaa horeeyayna ma jirin. Waxaad tahay midka u danbeeya wax kaa danbaynayaa majiro. Waxaad tahay midka muuqda wax kaa sareeyaa ma jiro. Waxaad tahay midka qarsoon wax kaa shisheeyaana ma jiro.naga bixi daynta, nagana nabadgali faqriga.Waxa kale oo nebigu SCW akhiriyi jiray suuradaha:Al-Sajdah,Al-Mulk, Al-zumar, Al-isra. Markaas ayuu seexan jiray.Markuu hurdo dheer ku jiro, neeftiisa waa la maqli jiray.Hadii habeenka dhexdiisa uu u kaco xaajo, markuu soo noqdo ayuu cadaygiisa la soo bixi jiray oo ilkihiisa cadayi jiray, waxaanu hurdi jiray ilaa habeen badhka.xilligaasina waxay ahayd waxqtiga ugu dheer ee nebigu hurdo seexdo.

Waxaa turjumay
Farxaan Aadan Haybe