MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW QAYBTII 17AAD

0
525

MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED
SCW- Daraasad koobaysa qorshe hawleedkii nabiga ee Maalinlaha ahaa
Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti Makkah
Habeenka badhtankiisa
Hargeysa(Warsugannews)Marka la gaadho habeenka badhtankiisa, in yar ka hor ama in yar ka dib, nebigu SCW wuu kici jiray oo soo fadhiisan jiray isaga oo wejigiisa ku masaxaya gacantiisa si uu isaga kiciyo raadkii hurdada.Waxuu soo qaadan jiray cadaygiisa oo ilkihiisa iyo afkiisa ku nadiifin jiray. Markaas ayuu indhihiisa cirka ku eegi jiray isagoo aamusan una kuur galaya abuurta ilaahay ee samooyinka iyo quruxda ka muuqata,.isaga oo daymada kaga boganaya ayuu akhriyi jiray aayadka quraanka ah ee soo socda ee Alla Cimraan.

(190)Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka iyo is Khilaafidda Habeenka iyo Maalinta Calaamooyin yaa ugu Sugan kuwa Caqliga leh. (191) Ee ah kuwa ku Xusa Eebe Taagni iyo Fadhi iyo Jiifba, oo ku fikira Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka (iya goo dhihi) Eebow Umaad Abuurin kan (Khalqiga) Baadil (Ciyaar) waad Nasahantahay Ee naga kori Cadaabka Naarta.(192) Eebow adigu ruuxaad Galiso Naarta Dhab ahaan baad u Dulaysay Daalimiintana uma Sugnaanin Gargaar.(193) Eebow Anagu waxaan Maqallay Yeedhe u yeedhi limaanka oo dhihi Rumeeya Eebihiin waana Rumeynay, Eebahanow noo dhaaf Dambiyadayada Asturna Xumaantayada naguna Dil la jirka kuwa Baarriga ah (fiican). (194 ) Eebahow na sii waxaad noogu Yaboohday Rasuuladaada hana na Dul leyn Maalinta Qiyaame, Adigu ma Baajisid Ballane. (195) Wuxuu ku Ajiibay Eebahood Anagu Ma dayacno Camal Mid Camal Falay oo Idinka mid ah Lab iyo Dhadig, Qaarkiin Qaarbuu ka ahaaday kuwa Hijrooday ee laga Bixiyey Guryahooda oo lagu Dhibay Jidkayga oo Dagaalamay oo la Dilay waannu Asturi Xumaanahooda waxaana Galin Janooyin ay Dureeri Dhexdeeda Wabiyaal waana Abaal marin Eebe Xagiisa ah, Eebe agtiisaana Abaalmarin Wanaagsan tahay.(196) Yeyna ku Dhagrin ka Gadoonka kuwa Gaaloobay ee Dhulka (Adduunka).( 197) Waa Raaxo Yar kadib Hoygoodu waa Jahannamo, iyadaana u xun Gogol. (198) Hase Yeeshee kuwa ka Dhawrsada Eebahood waxay mudan Jannooyin ay dureeri Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku warai Dhexdeeda, waa marti Qaad Xagga Eebe ka ahaaday, waxa Eebe agtiisa ah yaana u Khayr roon kuwa Baarriga ah (Wanaagsan). (199) Ehelu Kitaabka waxaa ka mid ah mid Rumeyn Eebe iyo waxa laydiin soo dejiyey iyo wixii loo soo Dejiyey iyagoo u Khushuuci Eebe kumana Gataan aayaadka Eebe Qiimo Yar, kuwaas waxaa u Sugnaaday Ajrigooda Eebahood Agtiis, Eebana waa Deg degtaa Xisaabtiisu.(200) Kuwa (Xaqa) rumeeyow Samra oo Samirtama kuna Nagaada Dhawridda (Xuduudda Islaaxa) kana Dhawrsada Eebe waxaad Mudantihiin inaad Liibaantaane.

Nebigu SCW markaas ayuu soo qaaday qarbad ay biyo ku jiraan oo inta weel waxogaa kaga shubay ku waysaystay isaga oo biyaha aad u beekhaaminaya, waxaanu soo qaatay labadiisii maro oo xidhay isaga oo iska qaaday maraduu huwanaa. Sidaas ayaanu ku bilaabi jiray salaadii habeenimo ( Salaatu Al-leyl)
Waxuu salaada habeenkii ee sunnaha ah ka horaysiin jiray waxogaa ah waynayn ilaahay iyo duco ah. Caasha ayaa werisay: marka nebigu kaco habeenkii waxuu toban jeer ku celin jiray odhaahda ereyadan; Allaahu Akbar, Al xamdlilaah, Subxaanallah wabixamdihi.Subxaana malik Al Quduus, Astaqfurilaah, laa ilaaha ila Allaah.markaas ayuu toban jeer odhan jiray: Ilaahayow waxaan kaa magan galay cidhiidhiga aduunka iyo adayga maalinta qiyaame.Markaas ayuu salaadiisa bilaabi jiray.
Salaada habeenka dhexdiisa waxuu ku bilaabi jiray laba rakcadood aad u fudud soona gaabiyo.taasina waxay ahayd markuu cid tujinayo balse marka uu keligii tukanayo waxay ahaayeen qaar aad u dhaadheer oo cid kula mid ahi aanay jirin.Salaadaha habeenkii ee sunnaha ah waxay ahaayeen qaar uu aad ugu fogaado akhrinta quraanka iyo taagnidaba.Taasina waxay ka turjumaysay sida ilaahay ugu sheegay quraanka dhexiisa inuu habeenka niska danbe ugu cibaadaysto.(Nabiga) Isduuduubayow.Istaag habeenka (Tuko) wax yar Mooyee.Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar.Ama ka badi, Quraanku u akhri si fiican, (Al-Muzamil 73 1-4).

Markaynu milcisano habka tukashadiisa habeenkii, waxay ahayd qaab la yaab leh oo uu dhamaan maskaxdiisa, jidhkiisa, dareenkiisa iyo qalbigiisaba u jeediyo kuna foognaado la socodka salaada.waxaad moodaysay inuu daalacanayo carshiga ilaahay oo la hadlayo. Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato nebigeena Muxamed SCW waa midka markii la dheelmiyay ay todobada janno albaabadoodu isu fureen.waxuu run ahaan u gaadhay malko iyo maqaam sare oo uu dareemo qalimaanta xukunka allaah markay qorayaan waxa markaas dhacaya.Nebi Muxamed waxuu ahaa midka ugu ogaal iyo aqoon badan awoodaha iyo jiritaanka Allaah.taasna si run ah ayuu uga hadlay markuu nebigu SCW yidhi:Waxaan ahayn midka idiinku cabsi badan idiinkuna ogaal badan ilaahay xagiisa.

Waxaa turjumay
Farxaan Aadan Haybe