MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW QAYBTII 2AAD

0
564

Ereyga Turjumaha Kitaabkan

Hargeysa(WARSUGANNEWS)Ilaahayayaa mahad oo dhan iska leh, midka aynu u nahay adoomaha,ina siiyay xikmada garashada iyo aqoonta iyo nimco badan oo aynaan halkan ku soo koobi karin balse ay ugu mudan tahay Islaamnimada. Nabadgelyo iyo naxariista ilaahay korkiisa ha ahaato nebigeenii Muxamed oo uga marag kacayno in uu ina soo gaadhsiiyay fariintii, inuu gutay amaanadii inoogana digay dhamaanteen waxa inaga horeeya aakhiro ilaa uu xaqii u yimi.

Kitaabkan ma aha kii koowaad ee aan turjumo, waxa ka horeeyay kitaabka Sabirka iyo Mahadnaqa oo uu qoray ilaahay raali ha ka ahaadee sheekha islaamka Ibn Qayyim al-Jawzziyah. Insha allah midkana noqon maayo kii ugu danbeeyay ee waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu na siiyo sabir iyo adkaysi aanu kutub badan ugu turjino luqada af soomaaliga.

Waxaan leenahay xeeladayda iyo awoodayda midna ma ahayn in ay ii suurta gasho hawsha turjumida kitaabkan balse waxay ku timi doonista Allaah oo ay ahayd awoodiisa mida suurta gal ka dhigtay.

In wax la turjumaa ma hawl yara weliba in arrimaha diinta iyagoo afka ingiriisiga ku qoran afsoomaali laga dhigaa waa arin aad u dhib leh balse Alxamdulilaah, ilaahay ayaa mahad oo dhan leh.In luqada afka soomaaliga laga dhigo kitaabkan waxaan ula jeednaa in aan ummada afka soomaaliga ku hadasha uga faa’iidayno in ay helaan aqoonta diintooda oo ku qoran afkooda si ay si sahlan ugu fahmaan ugana faa,iidaystaan iyo in anagana nooga sugmo oo ka raadino ajri iyo abaal ilaahay noogu daro miisaanka xasanaadkayaga. Kitaabkan loogama jeedo in lagu helo macaash ama looma daabacayo sifo ganacsi lagu heli karo dakhli Xaashaa Lilaah!.Waxaan adkaynaynaa in aan ula jeedno ilaahay dartiisa kelliya.Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu nooga dembi dhaafo waxii gef iyo meel ka dhac ama turunturo ah ee aanu galay ama ka muuqda shaqada aanu qabanay ee turjumida, taasna cid kale eed kuma leh ee waa aqoontayada gaaban iyo wax shaydaan ka adeegay.Waxaan halkan uga mahad celinayaa dhamaan culimada iyo dadka kale ee gacanta ka gaystay dibu eegista iyo sixista qisooyinka, dhacdooyinka, aayaadka quraanka ah, axaadiista ku jira kitaabkan.

Waxan si gaar ah mahad aan la koobi Karin u xambaarinayaa walaalkay Cabdikariim Aadam Saciid oo dib u eegay iyo qaar ka mid ah caruurtayda: Safa Farxaan, Suhayb Farxaan, Sihaam Farxaan, Salmaan Farxaan oo aayaadka ii fududaynayay halka ay quraanka kaga jiraan maadaama ay xufaad yihiin iyo Saciid Farxaan Aadan oo markaan qorayay ila joogay ishana marinayay qoraalka af soomaaliga hadba inta aan turjumo. Saciid waa 8 Jir balse dadaalkiisa aanu iga ag tegin xilli kastaayaa igu khasbay in aan halkan ku xuso. Waxa kale oo aan xusayaa oo u mahad celinayaa Towfiiq Farxaan Cabdi oo qaybta Tixraaca soo turjumay iyo shaqaalaha Hayada GAVO oo ugu horeeyo Agaasime Axmed Cumar Xersi oo iyaguna soo akhriyay.Ugu danbayn, waxaan ummuda islaamka ee afka soomaaliga ku hadasha ka codsanaynaa cid kasta oo akhrida kitaabkan in waxii qalad ah ee ay ku arkaan noogu soo gudbiyaan cinwaankayaga hoos ku qoran si aan u saxno daabacaada labaad. inshaa allah khayr wayn ayaad ka dhitaysan doonaan arintaas.

Farxaan Aadam Haybe
Hargeysa
Arbaca, 1da July 2015

Email:farhaibe@hotmail.com ama farhaibe@gmail.com
Cellphone:+252 63 4444431

Lasoco…..