MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW Qaybtii 4aad

0
785

Waaberiga subaxnimo iyo Xaalka Nabiga

Hargeysa(Warsugannews)Marka nabiga iyo asxaabtiisu ay dhamaystaan salaada iyo ducadooda, waxa ay isu soo dhowayn jireen safafkooda iyagoo ku soo ururaya nabiga halka uu fadhiyo oo ah halkii uu salaada ku tukaday.Isagoo xagooda u soo jeeda soona qaabilaya asxaabta, waxa uu iftiinka waagu qabtaa wajigiisa nuurka badan. Nabigu SCW waxuu lahaa waji aad iyo aad u qurxoon oo nuur badan, qof kasta oo u fiirsada wajigiisuna waxuu ka dheehanayay runta waxa lala soo diray sida uu ku sifeeyay Cabdullaahi Ibnu Sallaam oo yidhi:“Markaan ka bogtay wajigiisa, waxaan dhab u aqoonsaday in aanu ahayn waji beenaale”

Nabigu SCW waxuu bilaabi jiray wacdi sida uu wariyay Al-Irbad Ibnu Siriyah: Maalin ayuu nabigu SCW salaadii subax ka dib noo jeediyay wacdi ka oohiyay indhihii dadka dareenka iyo sida wacidgaasi u warwar geliyay. Mid dadka ka mid ah ayaa nabiga waydiiyay: rasuulkii ilaahayow wacdigaagu maanta waxuu u ekaa sidii qof sogaati ah, markaa maxaad na odhan lahayd? Waxuu nabigu SCW ku yidhi: waxaan idinkula talin lahaa inaad ilaahay ka baqataan iyo inaad dhagaysataan oo adeecdaan hogaankiina haba ahaado adoon madow ahe. Kuwiina sii noolaadaa waxay arki doonaan waxyaalo badan oo khilaaf ah.Ka fogaada waxyaalaha aan saxa ahayn, waxay idinku hogaamin baadi. Midkasta oo idinka mid ah oo sii noolaadaaha ku dhegenaado sunahayga iyo sunnaha khulufada, kuna dhegenaada taas. Wacdiga nabigu SCW had iyo jeer muu ahayn mid aad u dheer oo soo noqnoqda. Waxuu ahaa mid degen oo aanay asxaabtu ka caajisin.
Marka ay asxaabtu ku soo ururaan agtiisa, waxuu odhan jiray ma jiraa qof xanuunsanaya si aan u soo booqano?Hadii ay ugu jawaabaan maya, waxuu odhan jiray ma jiraa qof dhintay oo la aasayo si aynu uga qayb galo aaskiisa?
Waxuu sidoo kale su,aali jiray, hadiiba uu jiro qof uu tebayo oo maqan. Waxa jirtay gabadh madow oo masaajidka nabiga nadiifin jirtay, nabiguna SCW wuu tebay maalin, markaas ayuu asxaabta su,aalay. Waxaa loo sheegay in ay geeriyootay. Nabigu SCW, wuu ka cadhooday isagoo leh: Maxaad iigu sheegi waydeen? Waxaanay u muuqatay in ay asxaabtu u arkayeen arin iska fudud, waxaanay ugu jawaabeen: Rasuulkii Ilaahayow waxay dhimatay habeenimo waana la aasay, waxaananu dhibsanay in aanu hurdada kaa toosino. Nabigu SCW, waxuu waydiistay asxaabta inay tusaan qabrigeedii, sidaas ayuu ku tegay qabrigeedii, waanu ku tukaday una duceeyay.

Maalin ayaa nabigu SCW, ogaaday in Saxaabiga Taabit Ibnu Qays Ibnu Shammas maqan yahay.Markaas ayuu waydiiyay iasagoo leh Maxaynu u arki waynay Taabit, ma xanuun ayaa haleelay? Sacad Ibnu Macaad ayaa u jawaabay isagoo leh: Rasuulkii ilaahayow anigaa la jaar ah kamana maqal wax war ah oo sheegaya inuu buko. Sacad ayaa tegay si uu u soo eego waxaanu ka helay gurigiisii isagoo ooyaya albaabkana xidhay.Sacad waxuu waydiiyay maxaa kugu dhacay?Taabiit waxuu yidhi arin aad u xun ayaan sameeyay. Allaah ayaa yidhi; Kuwa xaqa rumeeyow ha ka saraysiinina codkiinna codka Nabiga, hana kula jahrina (qaylina) hadal sida qaarkiin qaar ugula jahro (qayliyo) si aan camalkiinnu u burin idinkoon ogayn (49:2).Waxaan ahayn nin cod dheer leh, markaa waxaan ka baqay codkaygaa dheer awgiis in uu iga buriyo camalkayga iina horseedo cadaab. Markaas ayaa Nabigu ku yidhi Taabit adigu kuwaas kama mid tihid. Waxaad u noolaan doontaa si fiican si fiicana waad u dhimanaysaa, waxaanad ka mid tahay dadka janada.

Halkaas waxaynu ka arkaynaa sida nabigu SCW uu ula socday xaalada asxaabtiisa isagoo midna aan ilaabi jirin.Midkasta oo ka mid ah asxaabtu waxuu lahaa kaalin iyo malko u gaar ah.mid kasta oo ka mid ah asxaabtu marka ay la joogaan nabiga SCW waxay ahaayeen qaar qiimo wayn leh, kuwa maqana lama ilaawi jirin. Arintaasi waxay tilmaan iyo calaamad u tahay hogaaminta fiican iyo xoojinta isku xidhnaanta dadka iyo muujinta dareenka loohayo qof kasta oo bulshadaas ka mid ah.

Salaada subax ka dib, waxuu nabigu waydiin jiray asxaabtiisa riyooyinkooda, isagoo leh: hadii mid idinka mid ah uu xalay riyooday ha ii sheego si aan u fasiro. Sidaas ayay ugu sheegi jireen riyadooda, isaguna ugu fasiri jiray mida wanaagsan ee khayr u leh. Tusaale uu wariyay cabdulaahi binu salaam waxuu yidhi: waan riyooday waqtigii nabigu SCW noolaa. Riyadayda waxaan ku arkay aniga beer balaadhan oo qurux badan dhex jooga , dhexdeeda waxa ku yaala tiir bir ah. Tiirkaasi waxuu ku taagan yahay dhulka madaxiisuna cirka ayuu gaadhsiisan yahay. Halka u saraysa tiirka waxa ku taal goobo. Waxa la igu yidhi fuul/kor tiirka.Waxaan idhi ma fuuli/kori karo. Qof shaqaale ah ayaa ii yimi oo kor ii qaaday, markaas ayaan fuulay ilaa aan gaadhay goobadii oo aan qabsaday. Waxa la iisheegay in aan xejisto.Markaas ayaan toosay, anigoo u haysta in goobadii gacanta iigu jirta. Sidaas ayaan nabiga SCW, ugu sheegay riyadaydii. Waxaanu yidhi: beertu waa islaamnimada, tiirkuna waa tiirka islaamka, goobaduna waxa ay tilmaan u tahay haysashada diinta. Macnaheeduna waa inaad haysanayso islaamnimada ilaa aad ka dhimanayso.Cabdullaahi Binu salaam waxuu ahaan jiray Raabi yuhuudi ah waxaanu soo islaamay markii uu nabigu Madiina tegay. Cabdullahi waxuu noolaa 35 sanno nabiga SCW markuu dhintay ka dib. Xiligaas kooxo dad ah ayaa diinta ka baxay oo weliba dagaal kala hor yimi maamulkii islaamka laakiin Cabdilaahi Bin salaam sidii uu nabigu ku fasiray riyadiisa wuu adkaystay islaamnimadiisii ilaa uu ku dhintay.
Maalin ayaa nabigu SCW, ka codsaday asxaabtiisa in ay riyadooda la wadaagaan si uu ugu fasiro. Nin ayaa markaas yidhi: Rasuulkii ilaahayow waxaan riyo ku arkay daruur roob ah oo subag iyo malab da’aysa. Dadkuna waxay u dhiganayeen gacmahooda waxa u da’aya.Dadka qaar in badan ayay ka qaadanayeen halka qaar kalena in yar ka qaadanayeen.Waxa kale oo aan arkay xadhig samada ka soo laalaada ilaa dhulka soo gaadhay.Waxaan arkay adiga oo haysta xadhigaas oo kor u fuulay/koray. Nin kale ayaa isna soo koray oo haysta xadhiga isagoo meel sare taagan, sidoo kale nin kale ayaa soo koray oo isna meel sare taagan, nin sadexaad ayaa qabsaday xadhigii markaa ayuu go,ay. Markaas ayaa loo guntay sidaas ayaanu ku koray.

Abu-Bakar ayaa yidhi: rasuulkii ilaahayow ii ogolow in aan fasiro, rasuulkuna wuu ka aqbalay. Markaas ayuu Abu-bakar yidhi:Daruurtu waa islaamnimada iyo hadhka ay dadkeeda siiso. Malabka iyo subaguna waa quraanka, maadaama quraanku yahay macaan iyo mid dhamaystiran.Dad inta badan ka qaatay waxa kuwa bartay quraanka in badan halka kuwa waxa yar ka qaatayna yihiin kuwa quraanka in yar ka bartay. Xadhiga samada ka soo laalaadayna waa runta aad adigu nabiyow noogu yeedhayso, ilaahay ayaana darajedaada kor yeelay runtaas awgeed, markaad ayaa nin qaadanayaa xadhigaas oo kor u baxayaa, hadana nin kale ayaa imanaya oo isna qaadanaya oo kor u baxaya halka nin kalena wuu qaadanaya markaas ayuu ka go,ayaa markaas ayuu ka go’ayaa oo u guntamayaa oo isaguna kor u baxayaa. Rasuulkii ilaahayow ii sheeg in aan si saxa u fasiray iyo in kale. Rasuulku waxuu yidhi: Sax ayaad sheegtay qaybo halka qaybo kalena ka qaldan yihiin.Abu-Bakar ayaa yidhi ilaahay ayaan kugu dhaarshee ii sheeg kuwaan qalday. Rasuulka ayaa yidhi ha I dhaarinin.

Halkan waxaa laga dheehan karaa sida axsaabta rasuulka ay riyooyinkoodu uga turjumayeen shaqada ilaahay ay u hayaan ee ah diintooda iyo camalada lagu adoonsaday.Waxaana la yaab ah in soo jeedkoodana ay ahaayeen qaar dhamaystira cibaadada oo ku foogan halka markay hurdaan waxa caqligooda ku soo dhacaa riyo ahaan uu u badnaa mid la mida soo jeedkooda waxa ay ku warwar sanaayeen dhamaystirkeeda.

Samurah ayaa wariyay in xilli nabigu waydiiyay bal inay jirto cid riyootay, waxaan ku nidhi ma jirto rasuulkii ilaahayow. Waxuu ku jawaabay: xalay waxaan arkay laba nin oo igu soo socda, gacanta ayay i qabteen ilaa ay i geeyeen dhulka barakaysan”” xadiisku wuu dheeraa si faahfaahsan ayaanu uga hadlay xaaladaha dadka ay ku waajibtay cadaabta rabi iyo sababta loo cadaabayo. Waxa kale oo xadiisku ku jirta arimo kale oo iftiiminaya aakhiro iyo xaalkeeda.

Maalmaha qaar wada sheekaysiga asxaabtiisa waxay ahaayeen qaar uu nabiguna ka qayb qaato sheekada ama uu dhagaysto waxay ka wada hadlayaan.Waxay ka hadli jireen xaalkoodu siduu ahaaislaamka ka hor, waxay qaban jireen jaahiliyadii iyo sida ay uga xun yihiin waxyaalaha aan runta iyo qiimaha lahayn ee ay samayn jireen.Sidoo kale waxay ka sheekaysan jireen qiimaha wayn ee islaamnimadu u keentay iyo iftiinka iimaanka. Marka ay sheekooyinkaas is waydaarsanayaan waa ay ku qosli jireen jaahilnimadoodii islaamka ka hor markaas ayaa nabiguna SCW dhoola cadayn jiray. Nabigu SCW masaajidka ayuu ku nagaan jiray ilaa ay cadceedu ay si dhamaystiran u soo baxdo.
Markaas ayuu nabigu u dhaqaaqi jiray dhinaca gurigiisa. Markuu ka baxayo masaajidka waxuu odhan jiray:“waxaan ku bilaabay magaca allaah, nabadgalyo iyo naxariisina korkiisa ha ahaato rasuulkiisa. Allahayow iga dhaaf danbigayga iina fur albaabada naxariistaada”

Marka uu gurigiisa galo, ugu horayn waxuu cadayi jiray ilkihiisa si uu u nadiifiyo afkiisa daahirka ahaa. Wuu salaami jiray ehelkiisa isagoo leh: “Assalamu Caleykum; nabadgalyo korkiina ha ahaato. Side tihiin, xubnaha qoyska guriganow?Markaas ayuu qofkasta oo guriga jooga halkiisa ku booqan jiray isagoo salaamaya una ducaynaya.Kaliya marka uu booqanayo waxa uu dhaafi jiray qofka uu arko isagoo salaad ku jira. Waqti badana may ahayn inta uu salaamayo qof kasta una ducaynayo.
Waxa la wariyay inuu nabigu SCW mar u galay qolkii Juweeriyah iyadoo cibaado ku jirta, markaas ayuu ka baxay si ay u wadato salaada iyo ducada.

Inta uu gurigiisa joogo, marka uu u baahdo cunto wuu waydiisan jiray isagoo leh: miyay wax la cunaa yaalaan? Hadii wax yaalaan waa loo keeni jiray. Inta badana waxay ahayd cunto fudud sida timir, caano la qalajiyay ama Hays ( timir, caano iyo subag la isku daray) ama caano kaliya ama sharaab laga sameeyay timir ama malab mudo biyo lagu daray. Hadii aanay waxba oolin, marka loo sheego, waxuu odhan jiray maanta waan iska soomanaanayaa.

Waxaa turjumay
Farxaan Aadan Haybe