Maamulka Jaamacadda Hargeysa Oo Dacwad Ku Oogaya Maamulka Jaamacad Cusub

0
362

Maamulka Jaamacadda Hargeysa Oo Dacwad Ku Oogaya Maamulka Jaamacad Cusub

Hargeysa(Warsuagnnews)September-08-2015- Maamulka jaamacadda Hargeysa ayaa dacwad ku oogaya maamulka jaamacad cusub oo la yidhaahdo Hargeisa International university taas oo xayaysiiskeeda iyo magaceeda lagu soo dhejiyay baraha ay bulshadu ku kulanto, magaceedana laga taagay meelo ka mid ah caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa xalay Geeska Afrika u xaqiijiyay inay maxkamaduhu maamulka sare ee jaamacadda Hargeysa ka guddoomeen dacwad ka dhan ah jaamacadaas cusub ee Hargeisa International university, “Dacwadda waxa maxkamadaha u soo gudbiyay maamulka sare ee jaamacadda Hargeysa, maxkamaduhuna si rasmi ah ayay dacwadaas uga qabteen.” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

Si rasmi ah looma garanayo weli; maamulka jaamacadda cusub ee ay dacwaynayaan maamulka jaamacada Hargeysa. Hase yeeshee jaamacadan cusub ee Hargeisa Internarional university waxa maalmahan u dambeeyay xayaysiiskeeda lagu arkayay baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho.

Sidoo kalena baraha bulshada oo maalmihii u dambeeyay lagu hadal hayay Jaamacaddan cusub ayaa dad badani u arkayay mid magaca ku haysata Jaamacadda Hargeysa oo ah ta qaranka ugu weyn islamarkaana ugu balaadhan.

Warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/OFFICE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here