Maamulka Puntland Oo Xubnaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya Ku Daray Jeneral Moorgan Oo Dambiyo Culus Ka Galay Bulshada Somaliland

0
332

Maamulka Puntland Oo Xubnaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya Ku Daray Jeneral Moorgan Oo Dambiyo Culus Ka Galay Bulshada Somaliland

Garoowe(Warsugan) Maamul goboleedka Puntland ayaa xubno uu ka mid yahay Jeneral Maxamed Siciid Xirsi(Moorgan) u xushay inay uga qayb galaan doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Moorgan oo muddo siyaasadda ka maqnaa ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhexmuuqday maamulka Somaliland la deriska ah ee Puntland.

Moorgan oo isticmaalayay awooddii Arxan laawe Siiyaad Barre oo sodog u ahaa ayaa xasuuq ba’an ka gaystay Somaliland xilliyaddii xorriyad u dirirka. Waxa uu hoggaaminayay hawlgalladdii iyo duqayntii Militarigii Siyaad Barre ka gaystay Somaliland sanadihii 1988, kuwaasi oo shacbi lagu qiyaasay konton kun ilaa lixdan kun ku naf waayeen. Waxa kale oo ku lug lahaa xadhiga kumanaan shacbiga Somaliland ah oo aan waxba galabsan iyo sidoo kale burburkii loo gaystay magaalooyinka Somaliland oo Hargeysa ugu weynayd, kuwaasi oo dhulka lala simay.

Moorgan ayaa sanadadii 1986 ilaa 1988 ahaa Taliyaha Militariga ee qaybta 26 oo ah Somaliland, sidoo kalena 1990 loo magacaabay wasiirka difaaca, isagoo isku haystay boqorka Hargeysa, wuxuu halkaasi ka helay awood dheeraad ah oo uu xasuuq ba’an ugu gaystay bulshada Somaliland, inkasta oo aakhirkii uu ka firdhaday, islamarkaana u tallaabay Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya iyo maamulladeeda ayaa inta badan siyaasiyiin dambiyo culus oo xasuuq gaadhsiisan ka galay Somaliland waxay u haystaan halyeeyo, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Moorgan iyo Jeneral Maxamed Cali Samatar oo dhawaan maamuus gaar ah loo sameeyay aaskiisa, kaasi oo si weyn uga cadhaysiiyay bulshada Somaliland, maadama uu isna ahaa wasiirka gaashaandhiga xilliyadii xasuuqa loo gaystay bulshada rayidka ah ee Somaliland.
Xigasho Wargeyska Warsugan