Maansadan waxa la yidhaa “Qabyaalada” waxa tiriyey Mahad Cumar Siciid

0
1057

Maansadan waxa la yidhaa “Qabyaalada” waxa tiriyey Mahad Cumar Siciid

Qabyaaleed xumaanbaa, Qoomku kugu xantaayoo, Qarka aad ku sugan tahay,

Qabyaaladeey maxaad tahay,

Qaaradeed ku nooshay,

Qaraarkaagu waa maxay,

Qisaskaan arkaayiyo,

Qaab xumadu maadaa,

Qabyaaleed xumaanbaa,

Qoomku kugu xantaayoo,

Qarka aad ku sugan tahay,

Qaylaa ka yeedhoo

Quusbaa lagaa yahay,

Qaadirkeena weyn baa

Qur’aankaa kariimka’a

Qaabka nooca aad tahay,

Qoomkood idlaysiyo,

Qisas noogu sheegoo,

Qofka aad haleeshana,

Qalbigoo madawiyo,

Qar cidlaad dhigtaayoo,

Qafis baad ku ridataa,

Qabyaaladeey dharaartii,

Qabiilooyin walaalo ah,

Qoysnimo kuwada nool,

Qolo qolo u qaybisay,

Qaabkoodii nololeed,

Qaafilbay ka yihiinoo,

Qasaaray ku suganyiin,

Qabyaaladeey xumaantaa

Qaarbaa jecel laystoo,

Qolo qolo ku faanoo,

Quudhsibay u keentaa,

Qaalibay u haystaan,

Qashin meel ka buuxaad,

Qabyaaladeey la nooc tahay,

Qadhun baabay dheer tahay,

Qabyalada miciin mood,

Qayrkaa

la dirirbaa,

Qeexaa warkeediyo,

Qodobkeeda koowaad,

Qoysaskoo is diliyo,

Qarankoo xumaadoo,

Qayb qayb u kala taga,

Qisdigeedu weeyaan.

Qabyaladeey sidaa tahay,

Qoomkaan ogaynbaad,

Qar intaad ka tuurtaad,

Qool adag ku xidhataa,

Qiyaamuhu ilaabiyo,

Quluubtaad degtaayoo,

Qolal aad ka dhigataa,

Qabyaaladeed ogayntaa,

Qanac baan ka joognaa,

Qori iyo rasaas baad,

Qoomka aad u dhiibtaa,

Qudha goo tidhaahdaa,

Qasaaraha yimaadana,

Qosol aad jeclaybaad,

Qax- qax aad ka siisaa,

Qabyaaladeey inaad tahay,

Qabiilooyin kiciniyo,

Qaloocnaanta badisiyo,

Qaska oo balaadhiyo,

Qaraabadoo isdiidiyo,

Qiyaamadoo xalaaloo,

Qawlka Eeboo laga tago,

Qanacaagu weeyaan.

Qabyaaladeey sidaan ogay,

Qurbahaad la nooshay,

Qoys qoys u shirabaa,

Qaadhaanku yoo hebel,

Qawlka aan gunaanado,

Qoomka aan u jeedoo,

Qalbiyadiina ii furan,

Ii qeex dadnimadaa,

Qaadirbaan baryaayaa,

Quluubtoo hagaagtana,

Qaadir haysku keen simo.

Maanso-yahan: Mahad Cumar Siciid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here